Qabashadii Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Punt Land,Murankii Madaxda,Hoyashadii Hargaysa Iyo Dhoofkii Shalay DAAWO
Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland General Cabdisamed Cali Shire, ayaa Axaddii doraad lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, Isagoo ka yimi dhanka Garoowe, kuna socday Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, isla markaana waxoogaa muran ah baa ka dhashay tallaabaddaa, balse markii dambe arrinta waa la xalliyay.
Cismaan xuseen Kalash oo ka soo jeedda gobolka Sool kana mid ah xisbiga Waddani ayaa Ogaal u sheegay in Cabdisamed Cali Shire oo Puntland ka hor xilal ka qabtay Somaliland, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeedda gobolka Sool, lagu qabsaday Madaarka Hargeysa, lana xidhay oo lagu xanibay halkaa.
“Ninkani hore ayuu halkan u yimi, lix cishuu joogay, Addis buu tegay, hadana diyaarad buu ku yimi Itoobiyuu ku socdaa, Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole isba waa tuu halkan yimi Isaaq oo dhan baa dhawr iyo toban maalmood casuumayay, markaa muxuu kaga duwan yahay. Dhulbahante oo dhan baa hadda yimi, diiwaangelintii baa si fiican uga socota gobolkoo dhan, wax walba waynu soo dabaalay markaa looma baahnayn in lagu sameeyo, Dhulbahanteba hadduu yimi, cidda Cabdisamad Cali Shire Madaarka ku qabsatay, waa cid xumaynaysa heshiisyadii la galay iyo wadahadaladda socda, Wasiirka Daakhiligana ku xumaynaysa. Markaa, ciddii ninkaa halkaa ku xanibtayna waxaanu leenahay maxkamad ha la keeno.”Sidaa waxa yidhi Cismaan Xuseen Gurxan (Kalash). Wuxuu intaa ku daray in markii dambe la geeyay Cabdisamed Cali Shire huteel, halkaana lagu ilaalinayay, waa siduu hadalka u dhigaye, maantana (Shalay) laga saarayo diyaarad.
Hase yeeshee hadalkaa masuulkaa ka sokow xogo kale oo Ogaal ka helay illo lagu kalsoon yahay waxay tibaaxeen, in wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon uu amray in la sii daayo, isla markaana uu Cabdisamed Cali Shire xalay u hoyday magaaladda, maantana la filayo inuu u dhoofo dhanka itoobiya oo xoguhu tilmaameen in qasdiga socodkiisu ahaa. Xogahaasi waxay intaa raaciyeen in markii hore waxoogaa muran ah oo amuurtaa la xidhiidhaa uu dhex maray masuuliyiin dawladda ka tirsan, balse markii dambe la dhameeyay arrintaa. Dawladda somaliland ayaa talaabooyin xadhig ah kula kacda siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeedda somaliland balse ka soo hor jeedda jiritaanka qaranimaddeeda, isla markaana siyaasiyiin hore ayaa sidan oo kale lagu fuliyay.
Dhanka Kale Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Warar sheegayaa in Madaarka Hargaysa Lagu Xidhay Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Punt Land.