Dowladda Soomaaliya oo joojisay Duulimaadyadii Diyaaradihii Qaadka Soomaaliya & Saamaynta Ka Dhalanaysa DHAGAYSO
Muqdisho 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac “jingali” oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in si KMG ah ay dowladda Soomaaliya u hakisay duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ee dalka Kenya.
Wasiir Jingali ayaa xusay in maalintii shalay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya uu wargalin gaarsiiyay shirkadaha diyaaradaha kuna wargaliyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 06 Sep 2016 hakad la galiyay diyaaradaha qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.
Mudane Jingali ayaan faahfaahin ka bixin sababaha dowladda Soomaaliya ay Go’aankaan u qaadatay, isagoo meesha ka saaray Su’aal ay SONNA ka weydiisay in Shir Madaxeedka IGAD ee 10-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho aysan arrintaan wax lug ah ku ladahey.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaan uu wada saameyn doono dhammaan Hawada Soomaaliya, tallaabo adagna laga qaadi doono ciddii ku soo xadgudubta hawada Dalka.
Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sido qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.
Tallaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga qaadka Kenya oo kol hore ka soo kabanayay saamaaynta go’aankii ay dawaladda Britain uga mamnuucday in dalkeeda loo dhoofiye maadama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.