Biyo-Dhaca Warbixin Golaha Guurtida La Hor-Dhigay Oo Dhabar Adayg Iyo Dhego Nugeyl Ugu Baaqday Xukuumadda Dhexe
Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku xigeenka guddida arrimaha gudaha, Nabadaynta Iyo Difaaca ee golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Ibraahim Ciise Xaaji Buux ayaa tafaasiil ka bixiyey Warbixin Toddoba qoddob ka koobnayd oo ay isaga iyo guddidiisu soo hordhigeen fadhigii golahoodu yeeshay maalintii shalay. Warbixintan oo taabanaysay arrimaha nabadaynta iyo difaaca ayaa sidoo kale uu xildhibaanku sheegay in qaybo kamid ahi khuseeyeen guddida dhaqaalaha.
Xildhibaan Ibraahin Ciise Xaaji Buux oo kamid ah mudaneyaasha ka soo jeeda degmada Qul-u-jeed ee gobolka Awdal oo xog-warankiisan aanu Wargeyska Hubaal kasoo xiganay ayaa isaga oo faahfaahinaya qoddobada ay warbixintoodu ka koobnayd waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “ “Guddida arrimaha Gudaha, nabadgelyada Iyo Difaaca ee golaha guurtidu waxaa ay fadhiga golaha u soo gudbinayaan warbixin khusaysa Sidii loo heli lahaa nabadgelyo iyo xasillooni waarta oo uu qaranki yeesho, si ay u hirgasho horumarinta nabad-gelyada qarankan iyo wax ka qabashada xasillooni darrooyinka iska daba imanaya waxaanu golaha u soo gudbinaynaa qoddobadan:
- In Xil la iska saaro horumarinta Caddaaladda oo hadda iyadu meel fiican maraysa
- In Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka tayadooda kor loo qaado, isla mrkaana xil la iska saaro imkaaniyaadkii u fududayn lahaa gudashada hawshooda sida Baabuurta Wiishka Leh Iyo Mootooyinka.
- Si wax looga qabto daryeelka xoollaha nool oo laf dhabar u ah dhaqaallaheena waxaa guddidu soo jeedinayaa in la baabi’iyo dhulka seerayaasha ah ee sida sharci darrada ah loo ootay buur iyo bannaanba, hay’adaha ku shaqada lehna lagu garab istaago hawshaas.
- Inta Doorashooyinka ka horeysa waxaa uu guddigu ugu baaqayaa xukuumadda dhexe gaar ahaanna wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland in ay kala xadaynta degmooyinka iyo gobollada dalka ay hagaajiso inta ka horeysay doorashooyinka dalkani gelayo si aaan hadhow la isugu qabqabsan sanaaduuqda codeynta doorashada.
- Xukuumadda Somaliland waa inay hubiso isla markaana tixgeliso tabashooyinka uga imanaya Muwaadiniinta reer Somaliland, isla makraana u dhego nuglaato wax ka qabashadeeda intii awoodu u saamaxdo.
- Si loo helo Nabadgelyo Iyo Xasillooni Waarta Waa in Cid Kasta Oo Wax qabanaysaa U marto Sifo Sharciga Waafaqsan isla markaana aanay cidina sharciga gacanta ugu qaadan.
- Waa In Dawlad iyo Shacab-ba meel looga soo wada jeedsado adkaynta nabadgelyada.