“Naga Baxa Siilaanyo iyo Somaliland Midna Ma Doonayno” – Dadweynaha Laascaanood oo ka gadooday dilal is daba joog ah oo ay ku eedeeyeen Ciidamada Dawladda & Baaxada Khasaarihii Shalay dhacay DAAWO
Laascaanood 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Saddex Qof ayaa inta la xaqiijiyey ku nafwaayey, Lix Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Isku-dhac ama iska-hor-imaad magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Shalay ku dhex-maray Ciidammada Booliska Somaliland iyo Shacabka Magaaladaas oo ka gedooday Dilka Askari Booliska ka tirsanaa oo Askari kale dilay.
Dadka ku dhintay Rabshadahaas, ayaa laba ka mid ahi ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Somaliland, halka qofka saddexaadna ka tirsanaa Shacabka magaalada Laascaanood, waxaanay Shacabka oo gedoodsani qabsadeen Saldhigga dhexe ee Booliska Laascaanood iyo Xafiisyo ka tirsan dhismaha Wasaaradda hawlaha guud ee heer gobol, isla markaana waxay gubeen oo ay dab qabadsiiyeen Gaadhi ay Boolisku lahaayeen, waxaanay waxyeelleeyeen agabkii Saldhiggaas lagaga shaqaynayey, sida uu xaqiijiyey Duqa magaalada Laascaanood.
Maayerka magaaladu waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay ay laba Booliska ka tirsanaayeen, halka dadka dhaawacmay laba ka mid ahina Booliska ka tirsan yihiin, afarta kalena shacab yihiin, sida ay xaqiijiyeen ila-wareedyo kale oo Qurbejoog soo xigtay.
Rabshadan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca iyo hantidaba isugu jira dhaliyey, ayaa dhacay, ka dib markii ay isku soo beegmeen muddarahaadka dilalka lagaga soo horjeedo iyo dilka mid ka mid ahaa Askarta Booliska oo Askari kale toogtay sida uu caddeeyey Maayerka magaaladaas Cismaan Saleebaan Jaamac. Warar madax-bannaan, ayaa sheegaya in dhimashadu saddex tahay, mid shicib yahay, halka dhaawacuna ka yahay lix laba Askari ku jiraan.
Duqa magaalada Laascaanood ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee degmadaas Cismaan Saleebaan Jaamac, oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da uga warramay sida ay wax uga dhaceen magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi; “Magaalada Laascaanood xaaladdeedu indhawayd way soo hagaagaysay, waxa jiray dilal qorshaysan oo dhawr jeer ka dhacay magaalada, dabadeed dad Muddaharaadayaal ah oo leh dilalka qorshaysan ee aan cidna loo hayn waa in laga jawaabaa oo Maamulku wax ka qabtaa, ayaa soo baxay, iyadoo hawshaa lagu jiro, ayaa waxa dhacay dil Nin Boolis ahaa oo amar-diiddo sameeyey, Booliska kale ahayd in ay soo qabtaan ayey xabbadi ku dhacday, Ninkaas oo dhintay iyo arrintan shacabka ayaa iskaashatay. Markaa, muddaharaadki waa is-beddelay markii-ba.”
“Ninkaasi manta (Shalay) ayuu dhintay, xilligii muddaharaadkii dilalka qorshaysan lagu jiray iyo dilkiisii baa isku beegmay, waa iskaashadeen labadaas arrimood. Dabadeedna Shacabkii baa gedooday, waxay qabsadeen Saldhiggii dhexe, Hawlaha guud ayey waxoogaa jajabin ah u geysteen, Gaadhi baa gubtay, dabadeedna dagaalkaas baa dhacay, Nin kale oo Boolis ahina waa dhintay, laba ninna waa dhaawacmeen. Markii intaasi dhacday, Qaybta (Guutada) toddobaad ee Ciidammada Millateriga ayaa ammaankii gacanta ku dhigay, Saldhiggiina qabtay, magaaladuna hadda way kala deggan tahay.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka Laascaanood.
Duqa Laascaanood oo la weydiiyey in dadka qaar sheegayaan in Ninka la dilay uu dilay mid ka mida Askar uu watay Taliyaha qaybta Booliska Somaliland ee gobolka Sool iyo waxa ka jira, waxa uu ku jawaabay; “Taliyaha Qaybta Askar la socotay ayaa xabbaddu kaga dhacday, si deg-deg ah oo isaguna aanu ku talo-gelin, isagaa qaaday Ninka oo Dhakhtarka geeyey oo aad uga xumaa oo la dul-fadhiyey oo la joogay illaa intii uu dhimanayey. Markaa, qaddar ku dhacday ayuun bay arrintu ahayd, laakiin arrin la odhan karo Taliyaha qaybta ayaa si toos ah u geystay in la odhan karo ma qabo anigu.”
Sidoo kale, Duqa Laascaanood oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Maamul ahaan iyo dowlad Somaliland ahaan u muuqdaan inay ka seexdeen in cid loo qabto iyo in baadhitaan lagu ogaado dilalka qorshaysan ee uu sheegay in ay marar kala duwan magaaladaas ka dhaceen, waxa uu yidhi; “Baadhitaankii wax waa la sameeyey, wax waa la hayaa oo waa lagu daba-joogaa, waxoogaa waad yar mooddaa inaannu gaabis nahay, laakiin waa dedaalaynay, dee dhibaatada adduunka ka jirtaa meel walba ka jirta oo aannu la qabnaa dilalkaas qorshaysan.”
Maayerka magaalada Laascaanood oo la weydiiyey xaddiga khasaaraha uu sheegay inay Shacabka Muddaharaadayey sameeyeen iyo in cid la xidh-xidhay jirto, waxa uu ku jawaabay; “Waxay geysteen Gaadhi ay gubeen oo Qaybta Boolisku lahayd, Saldhigyadii iyo alaab ay jajabiyeen way jiraan, markaa hadda xaaladda Ciidammada Millateriga ayaa gacanta ku haya. Hadda xaaladdii kala dejintaa lagu jiraa, dadkana waa la dejiyey, dowladduna cid bay u soo dirtay, annaguna maamul ahaan iyo booliskuba waannu ku jirnaa. Saldhiggana Ciidanka Millateriga ayaa Shacabkii ka saaray oo gacanta ku haya.”
Dhinaca Kale Dareenka Dadweynihii Shalay Isu soo baxay ayaa Ku dhawaaqay Erayo ka dhan ah Somaliland Iyaga oo ka Dalbaday Xukuumadda Somaliland inay isaga Baxdo Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanood.