Khilaaf Ka Taagan Diwaangalinta Deegaannada Waqooyiga iyo Arragtiyaha Siyaasiyiinta Iyo Xiisada ay Keeni Karto DAAWO
Hargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Deegaannada Waqooyiga oo ay ku muransan yihiin Gobolada Awdal iyo Maroodijeex ayaa waxa taagan khilaaf xoogan oo ku saabsan dhinaca ay raacayaan iyo qaabka diwaangalinta looga qabanayo.
Deegaannadan oo ah Hulka, Ceel sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel la helay, Bildhaalay iyo Damasha,ayaa xayirnaa doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalka ka qabsoomay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md Yaasiin Faratoon ayaa ka warbixiyey kulan ay saddexda xisbi iyo komishanka wada qaateen oo ku saabsan qaabka diwaangalinta loo qaban doono,waxaanu sheegay in la isla afgartay goobahaasi .
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in hawlaha loo daayo xarumaha quseeya,Waxaanu sheegay in dadka deegaannada degani hore u sheegeen inay doonayaan inay cod kooda ka dhiibtaan doorashooyinka Somaliland isla markaana diwaangalinta xaq u leeyihiin .
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI md Cabdiraxmaan Cirro ayaa dalbaday in xukuumaddu kala xadayso goobahaasi,iyadoo la raacayo xeerarkii lixdankii ,waxaanu guddoomiye Cirro sheegay in qabashada diwaangalintaa iyo qaabka looga galayaba uu Komishanka qaranka Somaliland u xilsaaran yahay.
Xildhibaan Axmedyasin Sh.Cali Ayaanel oo ka mid ah mudayanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana laga soo doorto gobolka Awdal ayaa isagoo Borama ku sugan diwaangalinta goobahan ku tilmaamay sharci daro.
Kulanno iyo shirar maalmihii ugu dambeeyay ka socday Hargeysa,Borama iyo Ceel La helay ayaan wali ka soo bixin wax natiijo ah oo ku saabsan heshiish laga gaadho qaabka diwaangalineed ee lixdaa goobood ee Waqooyiga.