|

Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Qayb Galay Dufcadii 143aad ee Jaamacada Hargaysa ka Baxda Iyo Xaaji Cabdi Waraabe oo Shahaado Sare Lagu Maamuusay DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 04.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka qaybgalay Xaflada qalinjebinta Jaamacada Hargeysa oo ay maanta 04/09/2016, ka qalinjebiyeen dufcadii 13aad ee wax ka barata sanadihii u dambeeyey, ardayaasoo tiradoodu dhamayd 862, kana qalinjebiyey kulliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadu.

Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysay waxbarashadii Jaamacada  ee uu madaxweynuhu ka qaybgalay ayaa markii uu soo gaadhay xayn daabka Jaamacada oo ay ku sugnaayeen waalidiin iyo dadweyne tiro badan oo halkaasi ku sugayey inay arkaan ubadkii ay mudada ku soo tabcayeen maantana dhamaystay aqoonta heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacada (Degree), waxaanay sacab iyo sawaxan ku qaabileen madaxweynaha qaran oo ay wehelinayeen masuuliyiin kala duwan kana mid ahaa gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan ciidanka Bonboyda oo halkaasi ku sugnaa, ka dibna madaxweynuhu waxa uu u gudbay hoolkii ay ka socotay xaflada qalinjebintu.

unnamed (58)Markii uu mdaxweynuhu halkaasi gaadhay waxa si toosa loo gudo galay ujeedada munaasibada waxaana hadalo halkaa ka jeediyey, Maamulka Jaamacada, macalimiinta, xubno ka mida waalidiinta iyo gudida sare ee jaamacada hargeysa, waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiinta xisbiyada qaranka oo ay ka joogeen Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye Muuse Biixi iyo Waddani oo isna uu u hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaji Cali Axmed, Wasiiru-dawlaha waxbarashada Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka, madaama oo uu hawlo shaqo ku maqnaa wasiirkii wasaaradda waxbarashadu, dhamaantoodna masuuliyiintaasi waxay ardayda u jeediyeen khudbado ay ugu hambalyeynayeen xaflada qalinjebinta awgeed.

Madaxweynaha Somaliland oo gunaanadkii munaasibada khudbad u jeediyey ardayda qalinjebisay ayaa yidhi “farxad weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo xaflada qalinjebinta Ardayda maanta ka baxday Jaamacada Hargeysa University, waa arrin aad iyo aad u weyn, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa Ardyda, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladdeenu ku dedaalayso weeye, waxyaalaha ugu waa weyn ee qarankani u baahan yahay weeye, waxyaabaha horumarkeena iyo horu-socodka, dadkeenna iyo dalkeenna anfacaya weeye, aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa oon idinku hambalyeynayaa insha Allaa halkaana waynu ugala sii dhawaan doonaa ee dadaalkiina ha ka caajisina”.

Madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay faculty-gii ay dhigan jireen iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey Jaamacada Hargeysa University, Waxa xusid mudan oo uu madaxweynuhu shahaado sharaf ay maamulka jaamacada Hargeysi u garteen uu madaxweynuhu gudoonsiiyey ardaygii ugu dedaalka badnaa jaamacada oo ahaa arday aanu laxaadkiisu dhamayn balse kaalin muhiima ka ciyaaray sidii uu ula tartami lahaa ardaydaa uu ka midka ahaa kana qalinjebiyey maanta jaamacada Hargeysa. Waxa isna Shahaadada PHD, la gudoonsiiyey oo ay ku maamuustay Jaamacada Hargeysa University, Odayga Qaranka Somaliland ugu da’a weyn Xildhibaan, Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ay ku qiimeeyeen, doorka muuqda ee uu ku leeyahay xaajigu arrimaha nabadaynta iyo waayo aragnimada uu marwalba ku xaliyo xaaladaha la soo dersa dalka, isla markaanu uu madaxweynuhu gudoonsiiyey xaajiga.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeer ku soo maray, xadhigana ka jaray qaybo cusub oo lagu soo daray Jaamacada Hargeysa University.

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0154 DSC_0155 DSC_0161 DSC_0165 DSC_0236 DSC_0242 DSC_0286 DSC_0315 DSC_0349 DSC_0376 DSC_0428 DSC_0478 DSC_0494 DSC_0515 DSC_0520 DSC_0531 IMG_0000 IMG_0004 IMG_0005 IMG_0026 IMG_0027 IMG_0029 IMG_0050 IMG_0051 IMG_0058 IMG_0061 IMG_0065 IMG_0068 IMG_0080 IMG_0084 IMG_0088 IMG_0092 IMG_0093 IMG_0118 IMG_0126 IMG_0142 IMG_0159 IMG_0166 IMG_0181 IMG_0220 IMG_0229 IMG_0256 IMG_0257 IMG_0265 IMG_0375 IMG_0399 IMG_0409 IMG_0420 IMG_0431 IMG_0446 IMG_0451 IMG_0534 IMG_0542 IMG_0565 IMG_0581 IMG_0587 IMG_0609 IMG_0639 IMG_0645 IMG_0654 IMG_0665 IMG_0776 IMG_0784 IMG_0795 IMG_0813 IMG_0835 IMG_0838 IMG_0879 IMG_0885

Comments are closed