Gaadiid Lagu Gubay Magaalada Laascaanood,Saldhigii Booliska oo Dadweyne Gadoodsani la Wareegeen,Xarumo la Bililiqaystay Iyo Ciidamada Qaranka oo Guud ahaan Magaalada Laascaanood Maamulkeeda Gacanta Ku Dhigay DAAWO
Laascaanood 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood in Dadweyne Gadoodsan Iyo Ciidamada Boolisku Isku Dhaceen Isla markaana ay Taasi dhalisay Dhimashada inta la Xaqiijiyey Sadex Ruux iyo Dhaawac door ah.
Sidoo kale, waxaa bililiqo xoog leh loo geystey Saldhigga Dhexe ee Booliska iyo Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud oo labadaba si xoog leh loo jejebiyey.
Ilaa iyo hadda khasaaraha halkaa ka dhacay si cad looma soo koobin, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Maleeshiyada Weerarka geysatey iyo Xukuumadda Somaliland, midnaba.
Hasa Yeeshee Guutooyin ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa Markii danbe la Wareegay Maamulkii Magaalada Isla Markaana kala dareeriyey Dadweynihii Kacdoonka Sameeyay,Iyadoo Wararku Sheegayaan in Xaalada Magaalada Laascaanood ay haatan degan tahay.