“Waxaan Arkay Arday Dhigta Fasalka Labaad Ee Dugsiga Sare Oo Ka Qallin-jabiyey Jaamacad…” Wasiirka Waxbarashada Somaliland
Hargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa ka deyriyey Heerka Waxbarashada Dalku mareyso.
Wasiirka oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Wasaaraddiisu ku soo bandhigtay Manhajka cusub oo Dalku yeelanayo, ayaa sheegay in Waxbarashadu ka gudubtay Nidaamkii isku dhisnaa isla-markaana gaadhay in Arday ku jira Dugsiga Sare uu Jaamacaddana dhigto, taasi oo uu ku sheegay inay ka Tarjumayso in Waxbarashadu hoos uga dhacday Martabaddii ay lahaan jirtay.
Wasiir Cabdillaahi-dheere oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaan arkay Arday dhigta Fasalka labaad ee Dugsiga Sare oo ka qallin-jabiyey Jaamacad, Waar Bahasha yaynaan kufsan (Waxbarashada) ee aynu Martabaddeeda u deynno.”
Wasiirku wuxuu ku taliyey “Waar Carruurta intaynu garaneyno uun ma u dhignaa? Master iyo PhD ha inoo dambeeyaane.” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland, oo werwer ka muujinaya heerka Waxbarashadu mareyso, isagoo intaa ku daray oo Jaamacadaha uga digay inay qaataan Arday aan sidan Shahaadada Dugsiga sare, si meesha looga saaro inay Jaamacadaha Dalka galaan Dad aan soo marin Waxbarashada aasaasiga ah.