|

Faah Faahin Dheeraad ah: Ugu yaraan 3-Ruux oo ku Geeriyooday Rabashadihii ka dhacay Laascaanood,Saldhigii Magaaladaas oo Dablay Hubaysani la Wareegeen & Xaalada oo Weli Murugsan

Laascaanood 04.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, lix qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad u dhexeeya ciidamada booliika iyo dabley kasoo jeeda degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Rabshadihii LaascaanoodIska-hor-imaadkan ayaa ka dhashay kaddib markii ilaalada taliyaha qaybta booliska ay toogasho ku dileen nin dhallinyaro ah, taasoo keentay inuu dhasho kacdoon khasaare xoogan geystay.

Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa gacanta u galay dableyda gadoodsan oo ay daba-socdaan shacab cadheysan waxaana halkaas ku dhintay laba askari, waxaana la gubay gaadiid saldhigga yaallay.

Kacdoonkaan oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee Muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhaca ayaa weli ka soconaya, iyadoo laba goobood oo kuwa caafimaadka ah ay sheegeen in meelba saddex dhaawac xabad ah la keenay.

Dhanka kale, Khasaaraha ciidanka booliiska ayaan si dhab ah loo hubin, iyadoo ay adag tahay in la helo cid lagala xidhiidho. Waxaana weli iska-horimaadkan dusha ka eegaya ciidamada millateriga.

Ugu dambeyntii, Kacdoonkan shacab ayaa waxa keenay cadho ay dadka shacabku u qabaan booliiska oo ay leeyihiin, waxay ka gaabiyeen wax ka qabashada ganacsato dhawr ah oo la laayey, illaa haddana aan wax hadal iyo wax ka qabad midna aanay ka arag.

Dhanka Kale Xukuumadda Somaliland Gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Prof Yaasiin Faratoon oo aanu Isku daynay inaanu Wax ka Weydiino Xaaladan Cusub ee ka taagan Magaalada Laascaanood ayaanay noo Suurto gelin inaanu helno kadib Markii uu Qaban waayay Telefoonkiisa Gacanta.

Comments are closed