Guddoomiyaha Guurtidu Muxuu ka yidhi Muranka Goobaha Cusub ee Diiwaangelinta,Dagaalka Sanaag & Xilalka Reer Sool? DAAWO
Hargaysa 04.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladaha dhawaanahan ka soo cusboonaaday deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan, isla markaana Baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Dogoble iyo Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.
Sidoo kale, Guddoomiye Saleebaan waxa uu ka hadlay wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland, Xilalka ay Dadka Sool iyo Buuhoodle ka mudan yihiin inay Somaliland ka qabtaan iyo Muranka xooggan iyo hanjabaadaha ka taagan lix goobood oo Xukuumaddu dhawaan shaacisay in laga hirgelinayo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo ku yaalla Waqooyiga Hargeysa, isla markaana laba beelood si weyn ugu muransan yihiin dhulkaas.
Haddaba, Hadalka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Xarunta Golahaas ee magaalada Hargeysa Warbaahinta kula hadlay, waxaannu qodobbada uu ka hadlay iyo guud ahaan hadalkiisa idiinkus oo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-