Suldaan Wabar Oo Soo Laba Kacleeyay,Durbaan Colaadeed Oo Hor Leh U Soo Garaacay Salaadiinta Iyo Dhallinyarada Beeshiisa DAAWO
Boorama 01. Sep 2016 (SDN/QJ):– Suldaanka falaagada ah ee Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar ayaa muuqaal uu soo duubay isagoo buuraha ku jira durbaan colaadeed u tumay salaadiinta iyo dhallinyarada beeshiisa oo uu ugu baaqay inay dagaal u diyaar garoobaan
Suldaan Wabar oo ka mid ah madax dhaqameedkii gobolka Awdal balse muddooyinkii u dambeeyey noqday hogaamiyaha fallaago buuro galeen ah oo isu taagtay khal-khal galintay amniga qaranka ayaa muuqaalkiisan u dambeeyey ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu difaaco dhulka la isku hayo ee waqooyiga Hargeysa isla markaana waxa uu muranka dhulkaas ku tilmaamay mid ay beesha Isaaq ku boobayso dhulka beelaha gobolka Awdal.
Suldaan Wabar ayaa qaybo badan oo hadalkiisa ka mid ah si jilicsan u aflagaadeeyey qaar ka mid ah beelaha Somaliland gaar ahaan beesha dhexe oo uu sheegay inay tahay qaar marwalba u taagan fidmo abuur iyo colaad ay u gaystaan dariska, isagoo beesha Isaaq ku tilmaamay dad sidii dagaaladii looga soo noqday aan miyirsan.
Isagoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“adigoo ilaahay ku badiyey oo dhul ku siiyey oo xoolo ku siiyey cid kaa yar oo kaa gar daran waxaad uga calaacasho oo aad ku shahiidi waydo ilaahay kuu wuu qabsanayaa, dhallinyarta waxaan u sheegayaa diyaar garooba odayaashana waxaan u sheegaya anaga ayaa idiin maqan dhibina ma jirtee ha calaacalinee goorta aanu idiin yeedhno diyaar garooba dhamaantiin salaadiinta, nimanka siyaasiyiinta ah ee Hargeysa inaga joogaa waa saddex qaybood, kuwo waa dhaxal sugayaal haddii ay kuwoodaas wax ka dhintaan ayay sugayaan oo fayl ayay la wareegayaan, kuwo kalena wasiirada F-ta la yidhaahdo ee aan lacagta lahayn ayay joogaan oo iyagu waa shaqaale, qolada saddexaadna waxa weeye kuwa la doortay ee qaarna guurtida yihiin qaarna baarlamaanka yihiin shacabka ayay ka wakiil yihiin oo waa la soo doortay cidna ma eryi karto oo cod ayay meesha ku joogaan kuwaasina waa dambiilayaal, ninbaa dadka u hadli jiray oo nin wanaagsan ahaa laakiin isaguna waagii dambe wuu aamusay markii uu ragga wehel ka waayay wuuna soo dur-durin waayay oo nagu soo biiri waayay goortii aanu buurta galnay Axmed Yaasina soo gurmo baan leeyahay, dhimashadu waxay ku fiican tahay adigoo dhulkaaga iyo qoyskaaga iyo dumarkaaga difaacaya inaad dhimato baqdin ayaa idinka badatay baqdinta ilaawa Lughaya-na lama qaadan karo rageedii way joogaan janano ayaa u jooga oo dhallinyaro ayaa u joogta oo ragga iyo gabdhuhuba way ii koreen”.
Suldaankan falaagoobay ayaad moodaa inuu kaa faa’iidaysanayo muranka dhul ee u dhexeeya gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal maadaama uu wax taageero ah ka waayay deegaanka uu ka soo jeedo halkas oo ay iminka isaga iyo dhawr qof kale ku sugan yihiin buuraha.
Xukuumadda Somaliland ayaa illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin Suldaan Wabar oo marar badan isku dayay inuu wax u dhimo qaranimada Somaliland waxaanay markii hore isku dayday inay waan waan iyo maslaxad ku soo xero galiso balse may suurogalin oo muddo yar kadib muuqaal uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu dagaal diyaar u yahay.