‘’Gobolna Gobolkiisa Yaanu Xuduudaha Usoo Dhaafin Hanjabaada Ha La Joojiyo,Xagla-toosiyoow Gabiley Dhulkeedu Ma yara ee Dadkuun baa ka badan, Lixda Goobood-na’’ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi DAAWO
Gabiley 01.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Musue Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Gabiley tahay meelaha marka doorashooyinka Madaxtinnimada Somaliland lagu tartamo, isla markaana cidda ay taageeraan guushu raacdo. Sidaa awgeedna, waxa uu tilmaamay isagoo la hadlaya Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xagla-toosiye in Gabiley aan Dhulku ku yarayn ee ay Dadku ka bateen.
Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu markii ugu horreysay maanta ka hadlay Muranka ka taagan lix goobood oo ku yaalla deegaanka Caadda, Ceel-lahelay iyo goobo kale oo hore diiwaangelin iyo doorashaba looga mabnuucay, kuna yaalla Waqooyiga Hargeysa, balse Xukuumaddu Axaddii soo saartay go’aan ay ku shaacisay in diiwaangelin laga bilaabayo, isla markaana dadka laga diiwaangeliyaa codayn karaan keliya doorashada Madaxtooyada, balse doorashooyinka Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka midna u codayn Karin.
Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi, waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey Xaflad loo sameeyey Qalin-jebinta Dufcaddii Afraad ee ka baxa Jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley oo ay Muuse Biixi, Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale kaga qaybgaleen isla Gabiley .
Musharrax Muuse Biixi hadalka uu Munaasibaddaas ka jeediyey, waxa kale oo uu kaga hadlay qodobbo dhawr ah oo Taariikhda Gabiley, Dadkeeda, Doorka Saxaafadda iyo Dadweynaha ee Wakhtiga Doorashooyinka 2017-ka iyo waxa Xisbiyada looga baahan yahay. Waxaanannu Hadalkiisaas oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-