|

“Wax Biyo La’aan Ahi Kama Jiraan Berbera…” Wasiiru-dowlaha Khayraadka Biyaha Somaliland

Hargaysa 01. Sep 2016 (SDN/QJ):– Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland, ayaa sheegtay inaanay wax biyo la’aan ahi ka jirin magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo maalmihii u dambeeyey dadweynaha ku dhaqani ka cabanayeen biyo yaraan soo food-saartay iyo inay biyaha magaaladu heshaa u qaybsami waayeen Xoolaha wakhtigan Xashka ka dhoofaya Dekedda ee Maxjarrada ku jira iyo Bulshada Berbera ku dhaqan.

Mahdi CIsmaan BuurHase-yeeshee, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay inaanay biyo la’aani ka jirin Berbera, balse uu awdmay Beebka Biyaha ka soo jiida Ceelka Dubaar ee ay magaalada Berbera Biyaha ka hesho, isla markaana markii cabashada biyo-yaraantu soo baxday ay Wasaarad ahaan bixiyeen amar ah in laga hawlgalo hagaajinta Beebkaas,ka dibna markii laga hawlgalay la hagaajiyey, wakhtiganna aanay jirin wax xannibaad ah iyo biyo yaraan ka taagan magaaladaasi toona.

“Wax biyo-la’aan ahi ma jiraan Berbera, waayo muhiimaddayada ugu weyn ee Wasaaraddayadu waa Berbera, sababtoo ah, waxa qudha ee aynu dhoofinnaa waa Adhiga, Adhigana waxa laga dhoofiyaa Berbera, wixii aynu dhoofinaynay waa Caws iyo Biyo ku nool, hadday biyo waayaanna maba dhoofayaan, waayo? Maxjarka intay ku jiraan Biyo ayey u baahan yihiin, Markabka marka la saaro waannu sii sahaynaa oo biyaannu sii siinnaa. Kolkaa mar qudha kama maarmi karaan biyaha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Somaliland.

Mahdi Cismaan Buuri oo hadalkiisa sii watay mar uu shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Haddaba, maaha biyo la’aan ka jirta meesha (Berbera) ee Beebkii ka imanayey Ceelka Dubaar, ayaa oodmay, oo Beebku marku muddo biyaha ku shaqeeyo waxa ku dhalanaya Xayaab, Xayaabkuna wuxuu isu beddelayaa Shacaabi, Shacaabigaasina marka dambe wuxuu keenayaa inuu Beebkii xidho.”

“Markaa, markiiba waa nalala soo hadlay, annaguna waxaannu la hadalnay Isu-dawahayaga, markiiba waa laga hawlgalay, hawshaasina way dhammaatay, markaa biyo la’aani ma jirin ee Beebkaa awdmay, isagana amarkii baa lagu dhammeeyey.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dowlaha Khayraadka Biyaha Somaliland Mahdi Cismaan Buuri.

Comments are closed