Waddanka IRAN Oo Samaysatay Internet U Gaar Ah Iyo Aragtida Reer Galbeedka
Tehran 01. Sep 2016 (SDN/QJ):– Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, ayaa ku dhawaaqday inay dhamaysay wejigiii koowaad ee qorshe ay ku samaysanayso Internet gooni u ah.
Wakaaladda wararka ee IRAN oo loo yaqaanno IRNA, ayaa sheegtay in mashruuca uu bixin doono internet tayadiisu fiican tahay oo dhaqso badan, qiimo ahaana aad u jaban.
Laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in ujeeddada mashruuca ay tahay in dowladda ay koontaroosho waxa ay bulshada internetka u isticmaalayaan.
Inkastoo Iran ay xayirtay baraha bulshada ee Twitter, Instagaram iyo Facebook oo saldhigoodu yahay dibadda, macaamiil badan ayaa isticmaala iyagoo adeegsanaya adeegyada internetka ee gaarka ah ee loo yaqaanno (VPNs).
Xayiraad aan wada dhamayn
Ujeeddada ka danbaysa mashruuca ayaa markii u horaysay lagu dhawaaqay 2010, wuxuuna qorshaha uu ahaa in la hirgaliyo sanadka 2015.
Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddada ay tahay in la sameeyo internet gaar u ah waddanka oo loo isticmaali karo xogta Islaamka iyo in kor loo qaaddo isticmaalka digitalka ee dadka.
Ujeeddadu waxay tahay in lagu badalo internet la isticmaalo, kaasoo ay dowladda ay xayirto meelaha qaar, laakiin dadka ay is ticmaalaan adeegyada khaaska ah ee internetka ee (VPNs), iyadoo Mr Vaezi uu ku tilmaamay ‘xayiraad aan wada dhamayn’.
“Dhammaan adeegyada waddanka, borogoraamyo badan oo kala duwan ayaa ku jira internetka waddanka ayuu sheegay Wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu ka hortagi doono weerarka lagu qaado computarada.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee Mehr :
Wejiga hore waxaa dadka helayaan websiteyada dowladda iyo websiteyada Shirkadaha Waddanka
Wejiga labaad oo bilaabanaya February 2017, waxaa lagu darayaa video-yaasha waddanka
Wejiga saddexaad oo bilaabanaya March 2017, ayaa bilaabaya adeegyo dheeraad ah oo taageeraya shirkadaha sameeya ganacsiga caalamiga. Laakiin kooxda Britishka ee u ololaysa xaquuqda bini’aadanka ee (Article 19) ayaa ka digtay mashruucan.
Waxay sheegtay mashruuca internetka ee waddanka inuu sii balaadhinayo xayiraadda, ilaalinta iyo xog la’aanta.
“Waxay khatar gelinaysaa in ay Iran ka soocdo internetka adduunka intiisa kale, iyadoo xayiraysa sidii xog loo heli lahaa iyo in laga hortago inay dadka sameeyaan mudaaharaadyo” ayay sheegtay kooxda Articale 19 ee Britishka.