Ujeedada uu Daaran yahay Shir uu Gudoomiye Muuse Biixi Iclaamiyey in Lagu qaban doono Magaalada Burco DAAWO
Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Bisha 10aad ee sanadkan la filayo in xukuummada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ay ku shiraan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa diyaar garow wanaagsan laga dareemayaa Laamaha kala duwan ee dawlada Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in si wayn loogu diyaar garoobo shir ay dawlada Somaliland la galayso beelaha Dhul bahante ee mudada badan ka maqnaa qaranimada Somaliland.