|

Mujaahid Madaxwaynaha ugu Baaqay inuu Qabto Shir Qaran oo lagaga Wada hadlo Saami Qaysiga Dawladnimada Somaliland DAAWO

Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu shir qaran oo loo dhanyahay iskugu yeedho dhamaan shacabka Somaliland Guddo iyo dibadba.

Mujaahid Guurre, waxaa uu sheegay in dalku u baahanyahay in la is wareysto halka loo socda iyo meesha la marayo islamarkaana si isku mid ah loo qaybsado dawladnimada Somaliland.

“ Waxaynu u baahanahay Odey dadka iskugu yeedha oo isagu inna hogaamiya, shirwayne qaran qabta, mashaakilka dalka yaala yidhaahda sidee dawladnimadu inoo deeqaysaa? Maxaynu ku heshiinaa? Halkee ayaynu maraynaa?”ayuu yidhi Xasan Guure oo maanta wareysi Khaasa siiyay HCTV .

Guddoomiyaha Madashu waxaa kale oo uu sheegay in si mideysan loosoo dhaweeyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo oo la sheegay inuu Somaliland Imanayo.

“Madaxwayne Siilaanyo hadduu maanta ku guuleyso shirkaasi oo odeygii Cali Khaliifna Madal balaadhan lagu wada hadlo waxaa uu baal dahab ah ka galayaa Taariikhda” ayuu yidhi Xasan Guure waxaa uu intaasi ku daray oo uu ka hadlay Aas qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Janaral Maxamed Cali Samatar waxaanu yidhi

“Maxamed Cali Samatar laga hadlayo Shakhsiyadiisa, ee xilka uu hayay waa ninkii kaliya ee qirtay inuu amarka bixiyay, Calanka Soomaaliyeed ee lagu da’day maydkiisa waxaa uu muujinayaa maantana ii kaalay aan sidii shalay kugu sameeyee”

Xasan Guure Jaamac waxaa uu ka mid yahay Mujaahidiin SNM imikana waxaa uu guddoomiye ka yahay Urur la baxay madasha wadatashiga iyo Toosinta qaranka oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM balse Ururkaasi xukuummada Somaliland si wayn ayay uga soo horjeedsatay markii lagu dhawaaqay, iyadoo sheegtay inaanu sharcigu ogoleyn.

Comments are closed