|

Mid Ka Mid ah Huteelada Caanka ah ee Muqdisho oo Hawlgal Baadhitaan Ciidamadu ku Sameeyeen & Huteel ku Yaala Degmada Yaaqshiid oo Shalay Galab laga Helay Meydka Gabadh deganayd

Muqdisho 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gabal dhicii Shalay Galab Ilaa Xalay howlgal baadhitaan ah waxa ay ka sameeyeen hotel lagu magacaabo Al-furaat oo ku yaalla agagaarka Ex-Gurigii shaqaalaha ee wadada Maka Al-Mukarama.


Al-furaat huteelada muqdishoGoob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamadu ay ay xidheem wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Dhismaha Hotelka kahor inta aysan gudaha u galin kana sameen halkaasi baadhitaan aan la ogeyn waxa kasoo baxay.

Wali si rasmi ah looma oga in ciidamada amaanka ay halkaasi dad ka xidheen iyo in kale, waxaana xubno ku sugan gudaha Hotelku sheegeen in ciidamada ay dib uga laabteen hotelka uuna hada Hotelka si caadi ah howshiisa u wato.

IMG_48BCCC-63D07B-84B135-9D9430-7B0F1C-437579Wasaarada amniga gudaha ayaa dhowaan soo saartay in shirar aan lagu soo wargelin lagu qaban Karin hotelada Muqdisho, lamana oga in hotelkan uu ka socday shir iyo in howlgalkan uu la xiriiro shaqsiyaad dhinaca amni daro looga shakiyey oo hotelka degan.

Dhanka Kale Hotel kuyaala Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa Shalay Galab laga helay meydka haweeney la sheegay in lagu dhax dilay qol kamid ah dhismaha Hoteelkaasi.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Hotelka oo kuyaala Xaafada Jiiro-Garoob ee Degmada Yaqshiid shalay galab lagu arkay meydka Haweeney la dilay oo dhax yaala mid kamid ah qolalka Hoteelkaasi.

Haweeneyda la dilay iyo nin la socday ayaa la sheegay in doraad kireesteen qol kamid ah Hoteelkaasi ayna habeen hore halkaasi wada joogeen, waxaana shalay Gelinkii hore ninkii hotelka kirestay la sheegay in uu kaligiis halkaasi ka tagay .

 

Gabar degan meel ku dhaw Hotelka ay arintan ka dhacday ayaa Idaacad kutaala Muqdisho u sheegtay in shalay galab la arkay Meydka Haweeney loo maleenayo in ceejo lagu dilay, waxa ay sidoo kale tilmaantay in afka gabadha la dilay laga soo saaray suuf.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray Hotelka Meydka lagu arkay waxa ayna halkaasi kasoo qaadeen meydka oo la geeyay Xarunta Dambi baarista CID-da, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada booliiska.

Wali lama oga sababta dilkan ka dambeysa waxaana goobta isaga baxsaday ninka la tuhmayo in uu dilkaasi ka dambeeyay, waxa ayna sheegeen maamulka Hotelka in ninkaasi aysan aqoon u laheyn kaliyana ay hayaan numberka uu lacagta uga soo diray.

Hoteela magaalada Muqdisho ayaa qaarkood dadka laga kireeyaa iyaga oon la hubin shaqsdiyada dadka degaya iyo waxa ay yihiin, waxaana mararka qaarkood gudaha Hoteeladasai ka dhaca falal dambiyeedyo.

Comments are closed