“Hadii aan Itoobiya Ku Laabto Waa la I dilayaa” Fayisa Lilesa Ciyaartoy Itoobiya u Matalayay Olombikada oo Dabaal Deg layaab leh Sameeyay DAAWO
Rio, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Fayisa Lilesa oo ka mid ah Ciyaartoyda dowladda Itoobiya uga qayb-galay Ciyaaraha olombikada adduunka ee Rio ayaa si la yaab leh u dabaal-degay,ka dib markii u soo gaadhay diilinta kama danbaysta ah ee orodka ,waxaanu kor u taagay gacmihiisa isaga oo sawiraya calaamadda isku-talaabta ama (X)-ta.
Lilesa ayaa la arki karayay sida uu uga soo horjeedo dilalka lagula kacay boqolaal ka mid ah qomiyadda Oromada ,kuwaasi oo todobaad-yadii la soo dhaafay dibad-baxyo ka dhigayay qaybo ka mid ah kililka Oromada ee dalkaas.
Dibad-baxyadan ka dhacayay gudaha Itoobiya ayaa lagu dalbanayay in aan lagu soo xad-gudbin dhul ay Oromadu leedahay oo la doonayay in laga hirgaliyo mashaariic ,isla markaana lagu balaariyo dhismaha Caasimadda Addis Ababa.
Hay’adda xuquuqul-Insaanka ee Human Rights Watch ayaa war-bixin ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Itoobiya ay dishay dad gaadhaya 400 oo qof ilaa iyo bishii Novembar xilli ay ka qayb-qaadanayeen dibad-baxyo kala duwan oo dowladda looga soo horjeedo.
“Qaraabadayda oo dhan waxa ay ku jiraan xabsiyada ,haddii ay ka hadlaan waxyaabo ku saabsan dimuqraaddiyadda waa la la dilayaa” ayuu yidhi Lelesa oo tilmaamay in uu yahay nin Oromo ah, isla markaana uu taageersan-yahay dibad-baxyada looga soo horjeedo dowladda.
Lilesa ayaa hadda u muuqda geesi qaran oo ku guulaystay bilad ,kaasi oo aan dib ugu laaban karin dalkiisi hooyo ,waxaana uu ka cabsi qabaa in la xidho ama la dilo hadii uu ka dago Addis Ababa ,waxaanu sheeegay inaanay taasi suurtagalayn
“Haddii aan dib u laabto waa ay i dilayaan,haddii kalena waa ay i xidhayaan ,wali ma go’aansan halkii aan aadi lahaa ,balse waan ku khasbanahay in aan meel kale aan u wareego “ ayuu mar kale yidhi Lelsa.