|

Laba Qof oo ku dhintay Is Rasaaseyn ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood

Laascannood 22, August, 2016 – (SDN/QJ):- Laba qof ayaa ku dhintay is rasaaseyn maanta duhurkii dhex martay ciidamada Booliiska Somaliland iyo Ganacsato qaadka keena magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Is rasaaseyntu waxaa ay ka dhalatay kadib markii ciidamada Booliisku sheegeen inaan magaalada Lasoo Galin Qaadka waxaana halkaasi ciidanka rasaas ku furay nimankii qaad layaasha ahaa, iyagoo ku dagaalamay garoonka diraayadaha  ee magaalada Laascanood sida uu wargeyska Himilo u sheegay Wariye Mahad Geelle oo ku sugan Magaaladaas.

Waxaa uu suxufigu sheegay in isla markiiba ay iska dhamaatay shaqaaqadaasi kadib markii ay garoonka uu tagay wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland.

Diyaarada Qaadka keenta magaalada Laascanood ayaa waxaa ka masuul ah ganansadaha Ina Afdiinle.

 

Comments are closed