|

Khasaaraha ka dhashey Qaraxyo ka dhacay Dawlada Hoose ee Gaalkacayo

Gaalkacayo 22, August, 2016 –(SDN/QJ)- Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo Shalay ka dhacay Magaalada Kaalgacayo.

Xarunta dawlada Hoose ee Gaalkacayo ayaa waxaa lagu qarxay gaadhi lagu rakibay aaladaha qarxa, qarax koowaad ayaa ka dhacay albaabka hore ee dawlada hoose, halka ka labaadna uu ka dhacay isla goobtaas.

Goob joogayaal, ayaa wargeyska Himilo u sheegay in qaraxyada kadib dablayda oo gaadhi saaran ay rasaas ku weerareen xarunta dawlada Hoose, waxaana la sheegayaa in dadka qaraxa ku dhintay ay u badanyihiin askartii ilaalada ka ahayd xaruntaasi iyo dadkii shacabka ahaa ee hawlaha shaqo u yimid dawlada Hoose.

 Suxufi tagay xarunta dawlada hoose markii qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay ku jirtay gabadh dhakhtarad ah, waxaana Suxufigu intaasi ku daray in goobta la qarxiyay ay saaka ka furmayay  kalfadhigii koowaad ee golaha deegaanka Gaalkacayo Balse markii dambe goobtaasi laga badalay.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan saaka lagu weeraray xarunta dawlada hoose ee Gaalkacayo.

Madaxda Maamul goboleedka Puntland ayaa cambaareeyay qaraxyadan saaka lagu qaaday xarunta dawlada hoose ee Gaalkacayo.

Magaalada Gaalkacayo oo ah  magaalo nabad ah waxaa bilihii u dambeeyay shirqoole lagu dilay masuuliyiin dawlada ka tirsan iyo dad u ka shaqeeya arrimaha Bulshada.

 

Comments are closed