|

“Qaadku Waa Xaaraan, Miisaaniyadda dalkan waxa ka badan Ta ku baxda Qaadka & Sigaarka..” Sheekh Dirir DAAWO

Hargeysa 20.Aug 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa ka hadlay Halista Maandooriyeyaasha kala duwani ku leeyihiin nolosha iyo dhaqanka Aadamaha, gaar ahaan Ummadaha Islaamka ah, siiba dadka Soomaalida ah, ha ugu badnaadaan dadka ku dhaqan Somaliland, waxaanu sheegay in Miisaaniyadda ku baxda Qaadka iyo Sigaarka Sannadkii ay laba jeer ka badan tahay Miisaaniyadda guud ee Somaliland.

 

Sheekh Maxamed Cumar DirirSheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidaa ku sheegay Khudbad uu shalay ka jeediyey Salaaddii Jimce Masjidka Rusheeye ee uu Tukiyo. Waxaanu si faahfaasan uga hadlay dhaqanka qofka Daroogada isticmaala iyo kuwa kale faraqa u dhexeeya, dhaqaale ahaan iyo dabeecad ahaanba. Waxaanu Sheekhu sheegay in Qaadku Xaaraan yahay, isla markaana ku jiro Maandooriyeyaasha kala duwan.

 

Khudbaddaas uu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Salaaddii Jimce ee Shalay jeediyey, waxaannu iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed