|

Mudo Bil Gudaheed ah oo Sadex Maxbuus ku Geeriyoodeen Jeelka Dhexe ee Magaalada Berbera

Berbera 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Marxuum Maxamed Carraale Muuse Ducaale oo kamid ahaa maxaabiista ku jirta jeelka weyn ee Berbera, ayaa habeenimadii jimcuhu soo geliyey ee bishan Augost ahayd 19-ka, sanadka 2016-ka ku geeriyooday xabsbigaas, kadib markii uu xanuun muddo bilo ah dareemayey.

berberaSida ehellada marxuumku u xaqiijiyeen qaar kamid ah warbaahinta waxa xukunka marxuumkan ku dhacay uu dhammaa muddo siddeed bilood ah, waxana la xaqiijiyey inuu kala badh muddadaas uu xabsiga ku dhamaystay, ka hor intii aanu geeriyoonin.

Marxuumka ayay eheladiisu sheegeen inuu todobaadyadii udanbeeyay xanuunsanaayay waayayna wax gargaar caafimaada oo wax ka qabta Xaaladiisa caafimaadkiisa , iyagoo sidoo kale ehelladu xaqiijiyey inay labadii todobaad ee udanbeeyay ay xaaladiisa caafimaad kala hadalayeen Taliyaha Xabsiga si uu ugu ogolaado in Cisbataalka Berbera la dhigo xaaladiisa caafimaad loogu daryeelo balse uu ka diiday Taliyaha Jeelku marxuumkuna uu xaalad adag oo caafimaad kujiray haatanna uu ugeeriyooday daryeel la,aan caafimaad.

Maydka Marxuumka ayaa markii uu geeriyooday la keenay Cisbataalka laguna riday Talaagada Maydka lagu keydiyo, balse waxa maalintii shalay lagu aasay degmada Sheekh oo uu dhalasho ahaan kasoo jeeday.

Sidoo kale waxa ay wararka aanu helay sheegayaan in labadii bilood ee udanbeeyay ay xabsiga Berbera xaalada caafimaad daro ugu geeriyoodeen sadex Maxbuus oo kii ugu danbeeyay yahay Marxuum Maxamed Caraale Muuse Ducaale oo ah ninka haatan Geeriyooday iyo labada marxuum ee kale oo ka horeeyay.

Xabsiga Berbera ayaa wax la sheegay inay ka shaqeeyaan laba kalkaaliye caafimaad oo aan daawooyin iyo qalab kale toona haysan xirafadooda caafimaadna aanay ahayn mid daberi karta Xanuunada ay hadiyo jeer ka cawdaan maxaabiista Jeelka weyn ee Berbera kujirtaa sidoo kale Maamulada Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ayaan iyaguna kaba war qabin xaalada Xabsiga Berbera oo horena ay uga caban jireen Maamulka iyo Ciidamada ka hawl galaaba dhismihiisa oo qadiimiya oo dawladii Turkigu dhistay mudo qarniyo ka hor ah lagana baqaayo inuu dumo xiliyad dabaylaha xagaagu dhacayaan iyo xiliyada roobabku da,ayaan halis badanina ka jirto.

Sidoo kale waxa iyana ay cabasho ka muujhiyaan Maxaabiista Jeelka Berbera kujiraan Cuntada xabsiga lagu siiyo oo aan lahayn waxa nafaqo ah waxaana kamida cuntooyinka loogu kariyo jeelka Qamadi qarax ahoo habeenkii casho looga dhigo, Bariis cad oo qaraxa oo qado looga dhigo iyo Quraacda oo lasiiyo shaah bigays ah iyo laba midh oo roodhiya cuntooyinkan aan nafaqada lahayn ayaa sababa xanuunada ku dhaca maxaabiista oo aan helin cuntooyin nafaqo ay ka helaan.sidoo kale Wasaarada cadaalada oo Maamulka xabsiyadu ay hoos tagaan raashimada maxaabiistana bixiya ayaan dabagal buuxa ku samaynin madaxda xabsiyada iyo sida ay umaamulaan cuntooyinka Maxaabiista loogu talagay.

Comments are closed