|

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxay ka Yidhaahdeen Dib u dhac Doorashada ku yimaada?

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashadii Madaxtooyada iyo golaha wakiilada wakhtigii ay u cayimeen la qabanayo.

 

xubnaha komiishanka doorashooyinkaAfhayeen Komishanka Siciid Cali Muuse, waxaa uu cadeeyay in qorshihii komishanka doorashooyinku u dajiyay in doorashada lagu qabto uu si fiican u socdo islamarkaana ay rajeynayaan inay doorashadu ku qansoonto wakhtigeedii hore loogu cayimay ee April 2017.

“ Qorshahayagii aanu doorashada u sameysanay wali sidiisii ayuu ku socdaa oo waxba iskama badalin, mana jirto ilaa imika carqalad naga hor timid” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse oo maanta Hargeysa kula hadlay Warhaahinta waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay “ Wax la kordhinayo oo na soo gaadhey ma jirto isbadal na maanaan arag”.

 

Dadwaynaha Siyaasada ka faalooda ayaa todobaadyadii u dambeeyay hadal hayay muddo kordhin markale loo sameynayo madaxwaynaha Somaliland iyo golaha wakiilada Somaliland oo marar hore loo kordhiyay.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxaa uu sheegay in aanu muddo kordhin diyaar u ahayn ee uu qabanayo doorashada Madaxtooyada iyo wakiilada Somaliland.

 

Doorashada golaha wakiilda Somaliland,  waxaa la filayaa inay dib u dhacdo maadaama aan lagu heshiin saami qaybsiga kuraas golaha wakiilada Somaliland oo aanay ku qanacsanayn gobolada Qaarkood.

Comments are closed