|

Salaaddiinta Gobollada Awdal iyo Selel oo Shir Shaki abuuray Muddeeyey, Baaqna u Diray Xildhibaanada ugu Jira Golaha Guurtida & Wakiiladu Sidii ay Isaga Soo Xaadirin lahaayeen DAAWO

Boorama 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xubo ka tirsan Salaaddiinta gobollada Awdal iyo Selel ee Somaliland oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, ayaa iyaguna muddeyey Shir ay deg-deg ah oo ay ku baaqeen, iyagoo Sheegay in Madaxda Dhaqanka iyo Xildhibaannada gobolladaas kaga jira Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland lagu qabanayo Boorama 28-ka bishan.

Salaaddiinta Shir-Saxaafadeedkaas ka hadlay, ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida kaga jira gobollada Awdal iyo Selel, aanay ka maqnaan Shirkaas ay ku wada-tashan doonaan ee ay si buuxda uga qaybgalaan wakhtiga ay u cayimeen ama u muddeeyeen inay qabanayaan kulankaas aayo-ka-tashiga ah sida ay sheegeen Salaaddiintu.

Shirkan, ayaa Shaki dhaliyey, isla markaana ku soo beegmay wakhti ay dowladda Somaliland iyo Xisbiyada Siyaasaddu aad ugu mashquulsan yihiin soo dhawaynta, qaabbilaadda iyo wax-fahansiinta Beelaha maqnaa ee gobollada Sool iyo Buuhoodle, isla markaana wakhtigan ay ku maqan yihiin Madaxweynaha, Wefti uu hoggaaminayo iyo saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo dhammaan iskaga wada daba-tegay Laascaanood iyo deegaanno kale.

Haddaba, Shirkaas Jaraa’id ee ay Salaaddiintu ku qabteen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho WACAN oo WANAAGSAN:-


Comments are closed