|

Maxaa Keenay In Madaxwayne Siilaanyo wakhtigan Booqdo Gobolada Berriga Somaliland?

Laascaanood 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Socdaal Mudo Laba Cisho ah ku Gaadhay Xarunta Gobolka Sool  ee Laascaanood.

Madaxwayne Siilaanyo,  waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dhaqan ee Gobolka Sool kuwaasi oo in muddo ah ka cabanayay habka saami qaybsiga ee dawladnimada Somaliland.

Madaxwaynuhu,  waxaa uu madax dhaqameedka Gobolka Sool u cadeeyay inaan Somaliland si xaq ah xilalka loogu sinayn,  balse loo baahanyahay in dib looga heshiiyo islamarkaana shirar kale oo lagu tashanayo bisha October la iskugu yimaado Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, si dadka deegaanada Beriga Somaliland degan loo siiyo saamiga ay ku leeyihiin Dawladnimada Somaliland.

IMG_8464Madaxda Dhaqanka beelaha degan gobolada Sool iyo Buuhoodle ayaa soo dhaweyn balaadhan u sameeyay Madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisa iyagoo ka aqbalay baaqa uu madaxwaynuhu u diray shacabkaasi.

Madaxwayne Siilaanyo oo ka faa’ideysanaya wada hadaladii ay ku baaqeen kooxda Khaatumo ayaa gobollada Berri u booqday dardargalinta siyaasada xukuummadiisa iyo dadka deegaanadaasi laga dhaadhiciyo jiritaanka Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland, waxaa safarkiisa ku wehelinayay badanka wasiiradiisa xukuummada uu hogaamiyo iyo hogaanka xisbiga Kulmiye, waxaana la sheegayaa in madaxwaynaha iyo waftigiisani ay Gobolada Berri u tageen sidii ay usoo ogaan lahaayeen tabashooyinka beelaha ku dhaqan deegaamadaasi.

Madaxwaynaha Somaliland,  ayaa isku shaandheyntiisii u dambaysay wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay Siyaasi Faratoon oo kasoo jeeda Gobolka Sool waxaana si wayn usoo dhaweeyay dadwaynaha deegaanadaasi ku nool, iyagoo sheegay in xukuummada Somaliland xil miisaan leh u magacowday Beelaha Gobolada Berri.

 

Tan iyo markii kooxda Khaatumo ay sheegtay inay wada hadal la furayso Somaliland ayaa waxaa fursadaasi ka faa’ideysanaya xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo taasi oo dardar galisay shaqooyinkii ay dawladu ka waday Gobolada Beriga Somaliland.

Comments are closed