|

Weftigii SAMA-WADE ee WADDANI oo Gaadhay Magaalada Laascaanood+ Soo Dhaweyn Ballaadhan oo Looggu Sammeeyey Deegaanada Hoos Yimaada+SAWIRO

Laascaanood 20.Aug 2016 (SDN/QJ):-Weftigii ballaadhnaa ee SAMA-WADE Sool ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo u jeedadiisu tahay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka iyo weliba u kuur-gelidda xaaladda nololeed ee deegaanaddaas, ayaa maanta si ballaadhan oon kala hadh lahayn ay u soo dhaweeyeen yar iyo weyn ba guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada ee gobalka Sool.

Weftigan guddoomiye Cirro oo ay ku wehelinaayey xoghayaha guud ee xisbigaasi, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, siyaasiyiin iyo wax-garad aad u miisaan culus oo ka soo jeeda deegaanada gobalka Sool, ayaa guud ahaan ay shacabkii isbedel doonka ahaa ee reer Laascaanood, Adhicadeeye, Yagoori, Guumeys iyo Sama-kaab ba ay si weyn u muujiyeen rabitaankooda isbedel oo ay ku muujinaayeen sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay qeyb uga noqon lahaayeen dawlad dhisan oo la wada lee yahay, waxaana ay ku dadkaasi dareenkooda ku muujinaayeen erayo ay ku soo dhaweynaayeen xisbiga WADDANI, iyaga oo sida oo kale na lu’laayey calanka Liimiga ah ee xisbigaasi iyo caleemo qoyan oo ay ku salaamayeen guud ahaan weftiga SAMA-WADE Sool.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay deegaanaddaasi oo iskugu jiray siyaasiyiin, wax-garad, xidlhibbaano, haween iyo dhallinyaro ka soo kala jeeda deegaanada hoos yimaada Magaalada Laascaanood, ayaa dhammaantood ba waxa ay ku dheeraadeen sida ay uga go’an tahay taageerada ay u hayaan xisbiga WADDANI iyaga oo dhanka kale na si aada u duray xisbiga Kulmiye oo ku tilmaameen in aanu ahayn xisbi doonaya midnimada umadda Somaliland.

“Dhammaantayo annaga oo isku duuban, waxa aanu si kal iyo laab ah aanu u soo dhaweynaynaa weftiga SAMA-WADE, waxa aanu la dhacsan nahay xisbi WADDANI oo aanu u aragno in uu yahay xisbi ka shaqeynaaya midnimada umadda sida oo kalena dalka hormar ka geysan kara gaar ahaan goballadayada bari oo ah goballo dib u dhac weyni ka muuqdo oo aanay waxba tarin xukuumadahii kala dambeeyey. Haddaanu nahay reer Laascaanood, waxa aanu u bislaanay dawladnimada, hormuud na waxa aanu ka nahay in aanu ka qeyb-qaadano dhiska iyo wada-jirka umadda ree Somaliland.”. Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah dadkii halkaas ka hadlay.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, xoghayaha Warfaafinta, Xoghayaha arrimaha bulshada, Siyaasi Siciid Sulub iyo Haldoor Barkhad Jaamac Batuun oo dhammaantood ba iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin sida diiran ee ay ree Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada ay u soo dhaweeyeen, iyaga oo muujiyey in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee fahamsan baahida ay shacabka reer Laascaanood u qabaan dawlad la wada lee yahay oo ku dhisan cadaalad iyo sinnaanshiyo.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna ugu dambeyntii la hadlay shacabka deegaanaddaas, ayaa ugu horreyn waxa uu si weyn ugu

“Guud ahaan shacabka reer Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood, dhallinyarada, haweenka iyo wax-garad kaba waxa aan lee yahay aad baad ugu mahadsan tihiin sida ballaadhan ee aad noo soo dhaweyseen, haddii aad WADDANI jeceshahiin ayaanu annaguna u jecel nahay shacabka reer Sool. Waxa la ii sheegay in nin murashax ah oo maalin dhaweyd halkan yimi in uu idin ku yidhi cod idin kama doonayo ee hebel codsiiya se annagu waxa aanu idin ku lee nahay codkiina annaga na siiya, waxqad iyo horumar na annaga ayaa diin samayn doona. Xisbiga WADDANI waa xisbigii ugu horreeyey ee shirweyne dhallinyareed qabta, dhallinyartu hormuud bay ka tahay xisbiga WADDANI, waxa aanu doonaynaa in xisbiga aad wax ku yeelataan dhallinyarooy, in aad isbedelka qeyb ka noqotaan, waxa aanu u baahan nahay in barnaamijka siyaasiga ah aad wax ku yeelataan, weliba sida oo kale na aad talada xisbiga qeyb aad ku yeelataan, waxa aanu doonaynaa in aad dhallinyarada hoggaamisaan oo aad ku hoggaamisaan mustaqbal ifaaya. Walaale yaal maanta waxa aanu u soconay muu ahayn olole siyaasaddeed, waxa aanu u soconay in aanu idin kala qeyb-galno diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Somaliland. Gobalka Sool deegaano badan iyo degmooyin ka mid ah ba  kamay dhicin doorashooyinkii hore iyo diiwaan-gelimahii ba se waxa aanu maanta ku faraxsanahay in maanta ay shacabka deegaanadani ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka Somaliland.”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

IMG_0873 IMG_0875 IMG_0878 IMG_0880 IMG_0882 IMG_0894 IMG_0895 IMG_0896 IMG_0897 IMG_0899 IMG_0900 IMG_0902 IMG_0905 IMG_0910 IMG_0915 IMG_0921 IMG_0926 IMG_0927 IMG_0930 IMG_0933 IMG_0934 IMG_0936 IMG_0942 IMG_0943 IMG_0946 IMG_0949 IMG_0953 IMG_0959 IMG_0963 IMG_0964 IMG_0967 IMG_0968 IMG_0969 IMG_0995 IMG_1004 IMG_1005 IMG_1011 IMG_1015 IMG_1016 IMG_1017 IMG_1018 IMG_1019 IMG_1020 IMG_1026 IMG_1027 IMG_1033 IMG_1053 IMG_1056 IMG_1057 IMG_1060 IMG_1062 IMG_1064 IMG_1065 IMG_1067 IMG_1068 IMG_1071 IMG_1074 IMG_1075 IMG_1076 IMG_1078 IMG_1083 IMG_1105 IMG_1110 IMG_1131 IMG_1133 IMG_1142 IMG_1144 IMG_1147 IMG_1173 IMG_1175 IMG_1177 IMG_1181 IMG_1183 IMG_1185

Comments are closed