|

“Xisbiga Waddani Shantii Gobol ee Diiwaangelintu ka Dhacday Olole ayuu ka sameeyay Wuxuu Isticimaalay Dhaqaalihii,Gaadiidkii Iyo Shaqaalihii Baarlamanka” Jiir Cali Madoobe

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Md Jiir Cali-madoobe, oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid u Magaacabay Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbigaas oo Weli Muran ka Taagan yahay Sharcinimadiisa ayaa eedo kulul dusha u saaray xisbiga WADDANI, isagoo caddeeyey inay  caado ka dhigteen olole aan wakhtigiisii la gaadhin oo ay ugu dhuumanayaan arrinta diiwaangelinta.

jiirJiir Cali-madoobe oo xarunta komishanka warbaahinta kula hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga WADDANI uu arrimaha ololaha ah ee uu hoosta ka wado uu u adeegsanayo hantidii umadda, isagoo tusaale u soo qaatay in hantidii goleweynaha Baarlamaanka uu xisbigaasi si toos ah u adeegsanayo, “Axsaabta qaarkood, weliba xisbiga Waddani la yidhaahdaa shan gobol ee diiwaangelintu ka dhacday olaluu ka waday, waxana uu isticmaalaa dhaqaalihii Baarlamaanka , gaadiidkii Baarlamaanka, shaqaalihii Baarlamaanka iyo xildhibaannadii Barlamaanka laftoodii, markii ay taasi dhacdayna annagu xisbi ahaan cabashooyin badan baanu soo gudbinay.” Ayuu yidhi Jiir Cali Madoobe.

Jiir oo hadalkiisa sii wata, ayaa guddoomiyaha waddani oo  haatan xilal badan ku magacaaban barbar dhigay kacaan yahankii weynaa ee xilligii xukuumaddii Siyaad Barre xilalka badan isku hayey ee Maxamed Nuur Shareeco, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Allah guddoomiyaha WADDANI xilal badanaa ma Maxamed Nuur Shareecaa, waxanse usoo jeedinayaa inay ka digtoonaadaan inay olole u beddelaan diiwaangelinta gobolka ugu dambeeya ee SOOL.”

Jiir Cali-madoobe waxa uu axsaabta qaranka, gaar ahaan xisbiga WADDANI uga digay inay diiwaangelinta dhawaan ka bilaabmaysa gobolka Sool inay olole ka dhigtaan, isagoo komishanka doorashooyinkana usoo jeediyey inay arrintaas il gaar ah ku hayaan.

Comments are closed