|

Garowe: Maalin Cad oo Dadka iyo Gaadiidkaba la Baadhayo iyo Sababta Keentay

Garowe 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Caasimadda Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ee Garoowe waxaa ka bilowday dhaq dhaqaaq amni sugid oo noociisa oo kale aan dhawaanahan lagu arag. Waxaa maalin cad la joojinayaa gaadiidka, laga baarayaa hubka, lana waydiinayaa dadka aqoonsigooda.

garoweUjeedka arintan ka danbaysa ayaa lagu sheegay inay tahay amar uu madaxwaynuhu soo saaray inaan magaalada lagu dhex wadan karin wax hub ah.

Xalay  ayay ahayd markii dadka magaalada Garoowe ay rasaas badan maqleen, waxaase lagu macneeyay inay ahayd in dad qoryo wata ay diideen inay hubka dhigaan,balse markii danbe lagu gulaystay oo ay ahaayeen ciidamo kale.

Ciidanka ammaanku waxay soo saareen awaamiir ay ku sheegayaan in hubkii la qabto lala wareegi doono.

Comments are closed