|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Gobolka Saraar una sii dhaafi doona Gobolka Sool SAWIRO

Caynaba 18.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wefti balaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 18/08/2016, safar shaqo ugu kicitimay gobolada bariga Somaliland, qaarka mid ah. socdaalka weftiga ayaa ahaa mid yoolkiisa koowaad ahaa gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynaba, oo ay ku sugan yihiin wakhtigan.

Hase ahaatee intii weftiga madaxweynuhu jidka ku sii jiray waxa si baaxad leh ugu soo dhaweeyey tuullooyinka, degmooyinka iyo gobolada Saaxil, Togdheer iyo Saraar, bulsho tiro badan oo madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey sawaxan gacaltooyo oo ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo boholyow madaxtinimo, iyagoo lulaayey caleemo qoyan iyo calanka Somaliland.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay magaalada caynaba waxa duleedka magaalada kaga horyimid maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay wehelinayaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland oo iyagu ku sugnaa gobolka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu socod lug ah ku maray wadada halbowlaha ah ee dhex marta magaalada caynaba isagoo salaan gacan taag ah u fidiyey dadweyne tiro badan oo ku sugnaa wadada hareeraheeda, una soo baxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftigiisa.

Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona dhawr maalmood, isagoo madaxweynuhu u kuurgelaya xaalada guud ee dadka ku dhaqan deegaamadaasi, lana filaayo in madaxweynuhu maalmaha soo socda uu ku sugnaado gobolada bariga.

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0005 DSC_0007 DSC_0009 DSC_0018 DSC_0025 DSC_0038 DSC_0040 DSC_0044 DSC_0048 DSC_0055 DSC_0066 DSC_0070 DSC_0074 DSC_0079 DSC_0081 DSC_0086 DSC_0090 DSC_0093 DSC_0096 DSC_0097 DSC_0099 DSC_0103 DSC_0105 DSC_0115 DSC_0119 DSC_0122 DSC_0126 DSC_0127 DSC_0130 DSC_0132 DSC_0134 DSC_0137 DSC_0138 DSC_0142 DSC_0149 DSC_0150 DSC_0155 DSC_0157 DSC_0158 DSC_0162 DSC_0164 IMG_7315 IMG_7321 IMG_7325 IMG_7329 IMG_7332 IMG_7334 IMG_7336 IMG_7343 IMG_7363 IMG_7364 IMG_7373 IMG_7374 IMG_7391 IMG_7404 IMG_7420

 

Comments are closed