|

“Waxaanu U Aragnaa Isku-shaandheynta Xukuumad Aan Fadhiyin Oo Had Iyo Jeer Ku Foogan Waxay Xilka Ka Qaado & Waxay U Magacowdo Xil Ku Tijaabi Ah….” Xildhibaan Buubaa DAAWO

Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Wada-hadallada u bilaabmay Dawladda Somaliland iyo Kooxda Cali Khaliif Hoggaamiyo ee la baxday Khaatumo iyo ujeeddada Madaxweyne Siilaanyo ka leeyahay isku-shaandheyntii u dambeysay ee Xukuumaddiisa ku sameeyay.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Wuxuu sheegay Xisbi ahaan Sida ay u arkaan Isku-shaandheynta Madaxweynuhu ku sameeyay Xukuumaddiisa iyo Magacaabidda Xilalka badan, ayaa ku jawaabay, “Isku-shaandheynta waxaanu aragnaa Xukuumad aan fadhiyin oo had iyo jeer ku foogan waxay xilka qaaddo iyo waxay u Magacowdo Xil ku tijaabi ah. Xukuumaddu waxay noqotay sida Ninkii Xanuunsanayey ee Maalinba Kiniinno kala nooc ah la liqsiinayey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxay ku qurux badan tahay sida Xukuumaddaha Dunidu u dhisan yihiin in mar la dhiso oo Dad tayo iyo Miisaan leh oo Aqoontooda iyo Kartidoodaba la garan karo Xilalka loo dhiibo, laakiin imika lama tirin karo Isbeddellada ay sameeyeen Muddada ay Xilka haysay Xukuumaddu, tanna tii ugu ballaadhnayd bay ahayd ee la sameeyo Xadkana way ka baxsanayd.”

Afhayeenka WADDANI waxa kale oo uu yidhi, “Madaxweynaha Dastuurkaa u fasaxaya isku-shaandheynta, laakiin Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in Isku-shaandheymaha badani sheegayaan in Xukuumaddu aanay Salka ka fadhiyin.”

Afhayeenka WADDANI oo la waydiiyey in Sababta uu Madaxweynuhu isku-shaandheynta u sameeyay inay ahayd inuu fursad siiyo Beesha Sool, ayaa ku jawaabay, “Annagu Xisbi ahaan mar walba waanu jecel-nahay in Beelaha Darafyadu wada helaan Saamiga ay xaqa u leeyihiin, laakiin arrinta Isku-shaandheyntu waxaad mooddaa inay ka hor-dhacday iyadoon Wada-hadalladii Cali Khaliif iyo Qolada Khaatumo aanay dhamaystirmin, waxaanad mooddaa in Sababta loo dedejiyey tahay in la tuso inay haystaan Saamigoodii, laakiin Annaga waxay noola muuqataa inay ka wanaagsanayd in dhammaadka Wada-hadallada la sameeyo (Isku-shaandheynta), inkasta oo aanu ku hambalyeynayno inay helaan xaqoodii ka maqnaa.”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa kale oo uu sheegay, “Xukuumaddu waxaad mooddaa inay olole gashay, sida lagu yaqaanno Xukuumadihii Somaliland soo maray marka doorashooyinku soo dhawaan ayaa lagu arki jiray Dad ka badan Dadkii hore xilalka uga hayey in la Magacaabo kuwaasi oo ololaha Siyaasadda loola jeedo, markaa Magacaabista xilalka Ciidda ka badan waxaanu u aragnaa in Olole looga jeedo, laakiin noolama muuqato Shaqo Qaranka loo qabanayo oo hufnaan ku dhisan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu tilmaamay inay Xisbi ahaan soo dhaweynayaan Wada-hadallada Xukuumadda Somaliland iyo khaatumo, “Wada-hadallada Xukuumaddu la furtay Khaatumo iyo Beelaha Darafyada waanu soo dhaweynaynaa, aad iyo aadna waanu u rejaynaynaa (inay) wax ka beddelaan Siyaasadda Dawladda Xillina kuma xidhna, inkasta oo ahayd in Wada-hadallada lala furo markii Xukuumaddu cusbayd. Haddana annagu Xisbi ahaan waxaanu Beelaha Bariga ugu baaqaynaa ka mid ahaanshaha Somaliland. Waayo? Waxaanu u aragnaa inay yihiin Dad aanay Somaliland ka maarmi karin, la’aantoodna aanay meel gaadhi karin.”

Comments are closed