Mujaahid Xasan Guure Jaamac Muxuu ka Yidhi Ansixintii Golaha wakiilada ee Heshiiskii Dp World? DAAWO
Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa cadeeyay in golaha wakiilada Somaliland ay musuqmaasuq ku ansixiyeen heshiiskii dekada Berbera ee ay xukuummmada Somaliland la gashey shirkada Dp World.
Mujaahid Xasan Guure, waxaa sheegay in xildhibaanada golaha wakiilada iyo xukuummadu ay lacag kala qaateen islamarkaana lacagtaasi ay badashay doodii ay xildhibaanadu ka qabeen heshiiska lala galay shirkada Dp World
“Musuq maasuqu wuxuu gaadhey in labadii haayadood ee u sareeyay Waddanku in ay wax kala iibsadeen, Heshiiskii (dekada Berbera) waxaa la gaadhsiiyay 20,000 oo dollar si ay xildhibaanadu u codeeyaan”ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac oo wareysi khaas ah siiyay Star Tv.
Xasan Guure waxaa uu sheegay in xildhibaanadu dood wanaagsan ku bilaabeen markii heshiiska loo keenay “Markaad dooda baarlamaanku siday u bilaabanto eegto, waxaa la is lahaa malaha dunida ragbaa ku nool, waxaase muuqatay malintii dambe in heshiiska dekada Berbera cod la galiyey oo habeenimadii lasoo wada hadlay”ayuu yidhi waxaanu intaasi ku ladhey“Berigii hore musuq maasuqu dil buu ahaa, mar dhexe ceeb ayuu ahaa laakiin waxaa ka dambaysay isagoo amaana”
Guud ahaan shacabka reer Somaliland ayaa su’aalo tiro badan iska waydiiyay sababta xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland aqlabiyad ugu ansixiyeen heshiiskaasi maadaama ay markii hore si xoogan u diidanayeen islamarkaana ay marar kala duwan warbaahinta hadalo kasoo horjeeda heshiiskaasi u mariyeen xukuummada Somaliland.