|

Habeenkii Cabsida, Hummaaggii jiray iyo Hawsha Maanta! Warbixin Xiiso badan

Ankara 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa daloola Saqafka dhismaha xarunta Baarlamaanka, meelihii ay ku Shiri jireen Xildhibaannada Baarlamaanka Turkigu, meeshii ay ku doodi jireen, ayaa hadda waxaa ka buuxa burburka waxyaabihii ku dhisnaa, sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin ay qayb ka mid ah diyaarisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, qaybta kalena Wargeyska Ogaal diyaariyey.

TURKISH-HABEENKII-CABSIDA-HUMAAGII-JIRAY-IYO-HAWSHA-MAANTABil iyo laba Cisho ka dib, waxaa jira dulayl Siyaasadda Turkiga. Waxaa jira in la hadal-hayo in qaybo ka mid ah Baarlamaanka loo daynayo siduu yahay, iyadoo noqon doonta xusuus joogto ah oo la xidhiidha weerarka inqilaab ee Turkiga lagu qaaday.

 

Waxay ahayd 15 July markii Gantaal lagu soo riday dhismaha Baarlamaanka ee Grand National Assembly ee magaalada Ankara. Askarta Mucaaradka ah, ayaa isticmaalay diyaaradaha F-16 iyo Helikoptar xabbadaha laga rido iyagoo isku dayaya inay xilka la wareegaan. Taangiyo ayaa yimid Ankara iyo Istanbul, iyagoo la wareegay Buundada Bosphorus Bridge ee Stanbul, weerarayna wixii ka hor-yimaadda.

 

Ciidanka ayaa ku dhawaaqay amar deg-deg ah, Ciidammada gaarka ahina waxay galeen Huteel ku yaal Marmaris oo uu joogay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan habeenkaas. Way soo daaheen! Waayo? Madaxweynaha ayaa Istanbul loo qaaday daqiiqado ka hor markii ay goobtaas gaadheen.

 

Farriin Taleefan oo Madaxweynu ka soo diray diyaaradda uu saarnaa dusheeda, ayaa dadka ku dhiirrigelisay inay Dibed-baxaan, waxaanay taasi qayb wayn ka ahayd ka hortaga inqilaabka iyo fashilka isku-daygaas afgembi. Hase-yeeshee, 240 qof ayaa dhintay iyagoo ka hortagaya inqilaabka oo xasuus dheer ku reebi doona waddanka Turkiga.

 

“Waxay ahayd habeen cabsi badan, laakiin nafteenna uma baqeen, waxaannu u baqaynay dadkeenna iyo dalkeenna.” Sidaa waxa yidhi oo Saxaafadda u sheegay Ravza Kavakci oo ah Xildhibaan ka tirsan Xisbiga AK ee talada waddanka Turkiga haya. Waxaanu intaas ku ladhay; “Laakiin, maalintaasi waxay ahayd maalin aan difaacnay dimoqraadiyadda. Dadka Turkiga ayay isku keentay iyagoo is taageeraya. Waxay ahayd dagaal aan isku xoraynaynaynay.”

 

MID-KA-MID-AH-XABSIYADA-DALKA-TURKIGADhinaca kale, inqilaabka la isku dayay wuxuu sii kala qaybiyay dadka Turkiga oo kala qaybsanaa marka hore-ba. Afar inqilaab oo Millateri tan iyo 1960-kii ayaa soo dhex galay dimuquraadiyadda Turkiga oo weli yar, kuwaasoo lagu guulaystay xukunkana lagula wareegay. Laakiin, dadka ayaa ka hortagey kan u dambeeyey ee fashilmay, dhiig ayaana ku daatay.

 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa kala qaybiya dadka. Laakiin, farriinta 15 July 2016, ayaa ahayd mid dadka Turkigu ay ku dooranayaan mustaqbalkooda siyaasadda si doorasho ah oo aanay doonayn Millateri inuu qabsado.In ka badan 23,000 oo qof ayaa la xidhay, 82,000 ayaa shaqada laga joojiyay si loo baadho doorka ay ku lahaayeen inqilaabkaas fashilmay.

 

Waxaa lagu eedeynayaa Dadkaasi inay xidhiidh la lahaayeen Wadaadka lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay inqilaabka ee Fethullah Gulen, oo ku nool Maraykanka oo uu Mastaafuris ugu maqan yahay, isla markaana dowladda Turkigu dalbanayso weli in loo soo gacan-geliyo.

 

Taageerayaasha Gulen, ayaa la sheegay inay dhexgaleen Hay’adaha dowladda sannado badanna ku dhex-jireen. Taasoo sababtay inay dowladda Turkigu albaabbada u laabto Hay’ado badan oo ay ka mid ahaayeen kuwa Cusbitaallada iyo Waxbarashada ka hawlgala sida Hay’adda Nile Academy oo Xarumihii ay Turkiga gudihiisa iyo dalalka dibedda ku lahayd-ba laga joojiyey Shaqadii ka socotay, Shaqaalihii ku sugnaana dowladdu gacanta ku hayso.

 

Fethullah Gulen oo aad ugu dhawaan jiray Madaxweyne Erdogan, ayaa beeniyay inuu ku ka danbeeyay inqilaabka. Arda Aydin ayaa ka mid ah lix jilaa oo shaqada laga joojiyay si baadhitaan loogu sameeyo. Qaar kale ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii sabab looga dhigay inay shaqadooda ka soo bixi waayeen,  Suxufiyiin iyo Hay’ado Warbaahineed ayaa la xidh-xidhay, qaarkoodna Waaranno qabasho ah loo jaray oo aan weli gacanta lagu dhigin, balse lagu daba-jiraa.

 

“Waxaa shaqada na looga joojiyay, waa wax lagu qoslo in nala dhaho Gelen ayaad taageertaan. Waxay rabaan inay mucaarad aamusiyaan. Laakiin, Mucaaradka lama aamusin karo.” Sidaa waxa yidhi qaar ka tirsan dadka Shaqada dowladda Turkigu ka joojisay inqilaabkaas fashilmay ka dib.

 

Kumanaan qof ayaa isugu yimid habeenkii magaalooyinka waa wayn, iyagoo wata Calanka, dhagaysanaya Khudbado Siyaasadeed oo Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dowladda Turkigu u jeedinayeen.

 

Dadka badankooda ayaa u yimid Madaxweynahooda oo hadda haysta taageeradii ugu sarraysay ee Shacabkiisa tan iyo markii uu xukunka qabsaday. Laakiin, dadka kale ayaa u yimid badbaadada waddankooda oo ah ta midaysan Mucaarad iyo Muxaafid, Kiristan iyo Muslim inta badan Bulshada Turkiga habeenkaas.

 

Waxaa jira Qaranimo tan iyo 15 July. Turkiga ayaa u istaagay dimuquraadiyad. Laakiin, waxaa jira cabsi iyo kala qaybsanaan. Tijaabinta dimuquraadiyadda ayaan wali dhammaan, waxaanay tallaabadan Turkiga lagula kacay ee fashilantay guul-darro iyo fadeexad Siyaasadeed ku noqotay waddamada Yurub iyo Maraykanka oo Dadka wax falanqeeya iyo Siyaasiyiinta Turkiga qaarkood ku eedaynayaan inay qaarkood qayb ka ahaayeen, kuwo kalena wax badan kala socdeen sida wax u dhacayeen, balse ay taa beddelkeeda hadda guushu raacday Shacabka iyo dowladda Turkiga.

 

Balse, dowladda Turkiga ayaa Arbacadii Shalay shaaca ka qaadday inay soo daynayso Maxaabiis tiradoodu dhan tahay Siddeed iyo Soddon (38,000) Kun oo ku jiray Xabsiyada dalkaas si shuruud la’aan ah, kuwaasoo aan wakhtiyadii xadhiggoodu dhammaannin.

Maxaabiista dembiyada qaar loo haystaa kuma jiraan dadka la sii-daynayo ee waxa lagu sii hayn doonaa Xabsiyada, dembiyadaas dadka galay Xabsiga lagu sii hayn doono waxaa ka mid ah Kiisaska Dilka, Kufsiga iyo kuwa Argaggixisannimo u xidhan.

 

Saddex iyo labaatan (23,000) Kun oo Qof, ayey dowladda Turkigu xidh-xidhay, tan iyo wakhtigii inqilaabku dhacay ka dib, kuwaasoo lala xidhiidhinayo inay ku lug lahaayeen Inqilaabkaas fashilmay. Inkastoo aanay dowladdu sheegin sababta ay dadkan u sii daynayso xabsiyada ku jiray weli si cad umay faahfaahin.

 

Hase-yeeshee, waxa la sheegayaa in Xabsiyadu buuxsameen, isla markaana meel loo bannaynayo dadka tirada badan ee Inqilaabkaas dhicisoobay loo xidh-xidhayo oo weli in badan oo ka mid ah aanay dowladdu gacanta ku qaban ee la raadinayo sida Suxufiyiinta iyo dad kale.

Comments are closed