Siyaasi Cabdi Casiis Samaale oo Ka Qayb galay Shirkii Gudida Fulnta Xisbiga Kulmiye,Sheegayna In Kulmiye Mar Kale Guulaysan doono
Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa si Kadiso ah uga soo dhex Muuqday Kulan ay Shalay lahaayeen Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye.
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay Siyaasada isku Seegeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi Isla markaana hore u qaadacay Natiijadii ka soo baxday Shirkii Golaha Dhexe ee lagu Cumaamaday Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen.
Samaale ayaa Sababta uu dib ugu noqday la Shaqaynta Gudoomiye Biixi Waxay ka danbaysay kadib Markii aabihii Maxamed Samaale uu u soo Jeediyey inuu la Shaqeeyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Hadaba Ex Wasiir Samaale ayaa tan iyo intii ka soo wareegtay khilaafkii Golaha Dhexe ka dhashay waxa uu al-baabka ka soo galay xarunta guud ee Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale ka qayb galay Shirkii Gudida Fulinta oo Muuse Biixi Hogaaminaayey
Ex Wasiir Samaale waxa uu madasha ka sheegay in Kulmiye mar kale ku guulaysan doono Doorashooyinka dalka ka dhacaya isla markaana loo baahan yahay isku duubni iyo wadajir.