Muxuu Salka ku Hayaa Khilaaf Gacan ka hadal sababay oo Qasriga Madaxtooyada Somaliland Ku dhex Maray Wasiirada Madaxtooyada Iyo Hawlaha Guud?
Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyeynta Cali Mareexan ayaa Dagaal gacan ka hadal ahi ku dhex maray Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.
Labbadan Wasiir ayaa waxa la sheegay in ay isku maandhaafeen Lacagta Heshiiska DP World oo laga qadiyey Wasiirka Hawlaha Guud.
Maalmihii u danbeysay ayaan Wasiirka Hawlaha Guud lagu arag Madaxtooyadda marka laga reebo Maalin afaraadii oo Madaxweynuhu xadhiga ka jarayey Wadada isku xidha Dilla iyo Borama.
Khilaafka ka dhex Curtay labbadan Wasiir ayaa la garanayn halka uu ku dhaman doono iyaga oo labaduba Awoodo Buuxda ka hayta Madaxweyne Siilaanyo oo labbadoodaba Adeer u ah.