|

Wasiirka Khaatumo u Qaabilsan Warfaafinta oo Luuqad adag Kula Hadlay Isimada Iyo Siyaasiyiinta ka soo Horjeestay Wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo DAAWO

Wasiir KhaatumoBuuhoodle 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Axmed Xaaji Cali oo ku Magacaaban Wasiirka Warfaafinta ee Khaatumo ayaa ka hadlay Wada hadalka u Socda Somaliland Iyo Khaatumo.
Waxa uu Mas’uulkani Sheegay in Wada hadalkani yahay Mid ay Go’aansatay Khaatumo,Waxaa kale oo uu u soo Jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Khaatumo oo ka hor yimid wada hadalka labada dhinac u furmay inuu marka hore iska Casilo Xilka uu hayo Kadibna Mucaaridad u banbaxo.
Axmed Xaaji Cali Waxaa kale oo uu u soo Jeediyey Mas’uuliyiinta Somaliland in Sidii lagu heshiiyey ay Joojiyaan Dacaayadaha iyo wax kasta oo Wiiqi kara sii ambo qaadista wada xaajoodkan.

Comments are closed