Garabka Jamaal Cali Xuseen Hogaaminayo oo Ka Hadlay Sida ay u arkaan Racfaan uu Gudoomiye Faysal ka qaatay Xukunkii Khilaafka Xisbiga Ucid
Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID kana mid ah garabka uu hogaaminayo musharax Jamaal Cali Xuseen mujaahi Cali Gurey ayaa ka hadlay ambiilka ama racfaanka uu ka qaatay gudooamiye Faysal Cali Waraabe go’aankii ay khilaafka xisbiga UCID kasoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasaddu iyo waliba dacwada uu maxkamadda sare u gudbiyay.
Mujaahid Cali Gurey waxa uu ka dhawaajiyay inay diyaar u yihiin inay garnaqa iyo xalinta khilaafka xisbiga UCID ay gaadho maxkamadda sare,waxaanu sidoo kale sheegay in Faysal Cali Waraabe ku tuntay isla markaana baal maray xeerkii xisbiga UCID isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi,
“Faysal tan iyo maalintii uu go’aanku soo baxay way cadayd inuu diidanaa,waayo danahiisa gaarka ah een sharci alle sharci uu u mari karaa ool ayaa wax kaste kal waynaa mar kastena kala wayn. Hadii la asturay oon ku tumashada xeerka xisbiga gudidu waxba kasoo qaadin malaha waaba nabsigii diinku soo siday ee xisbiga UCID ugu soo samrayay Ina Cali Waraabe’ eh aan kawada dhursugayno cadaalada maxkamadda sare,baryahan waynu ogayn oo waaxda garsoorka lagama dayrinayne ,go’aanka maxkamadda sarena wuxuu noqonayaa kama daynbays eh. Sidaa darteed hadii uu Faysal inoo dooray maxkamadda sare anaguna diyaar baan u nahay oo ka dayrin mayno”Sidaas ayuuu Mujaahid Cali Gurey Yidhi.
Waxaa Kale oo uu intaas ku daray in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe inuu ku Tuntay Xeerkii Xisbiga ‘’ Ma jirto xubin UCID ah rag iyo dumar caruur iyo ciroole caamo iyo caalim oo si badheedh iyo is indho tir ah u jebisay qodob ka mid ah 40 qodob ee uu ka kooban yahay Xeerka Xisbiga UCID. Qodobadii aanu ku dacwaynay ee isagu uu jebiyay cadaymihii oo dhanna watay Gudida Diiwaangelintu wax tixgelin ah may siinin. Wuu jebiyay may odhan muu jebinna may odhan hadana waan hubaa in runta ay ogaadeen kuna qanacsanaayeen xaqiiqadooda. Laakiin iyaga oon tixraacayn dacwadayadii ayay iyagu markay xaaladda eegeen ay keeneen go’aan ay u arkeen inu xal u noqon karo khilaafkii noo dhexeeyay labadayda dhinaca oonu anagu ka ahayn dhibanayaal isaguna uu eedaysanaha ka ahaa iyaga oo aan noo gar qaadin. Runtii anagu ku maanu qancin marka aanu eegnay dacwadii aanu gudbinay oo waad hesheen oo gar baa yeelateen iyo waa la idinka helay oo waa ku garwaydeen midna na la odhan. Lakiin markaanu ka eegnay dhinaca danta Xisbiga oo taayadii aanu ku iloobi karno hadii Faysal laga helayo in isaguna uu aqbalo.
Waayo Go’aanka Gudidu wax kale muu ahayn ee wuxu ahaa Heshiiskii hore loo wada galay ee Faysal uu kow ka ahaa inta u saxeeday dhiniciisa ka dibna Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah xubnihii Shirwaynuhu doortay ay ansixiyeen isaga oo goluhu adeegsanaya awoodaha uu siiyay Xeerka Xisbigu si aanu u wada dhamaystirano oo wada qabsano Shirwaynihii Aan Caadiga Ahayn sidii labada dhinac hore ugu heshiiyeen sida ku cadayd Heshiiskii Badbaadinta Xisbiga UCID. Taas oo aanu u argnay in xalku ku jiro hadii caqligu shaqaynayo danta guud ee xisbigana laga horaysiinayo danaha gaarka ah. Faysal tan iyo maalintii uu go’aanku soo baxay way cadayd in uu diidanaa waayo danihiisa gaarka ah een sharci allah sharci uu u mari karaa ool ayaa wax kasta kala waynaa mar kastana kala wayn.
Hadii la asturay oon ku tumashada Xeerka Xisbiga Gudidu waxba ka soo qaadin malaha waaba nabsigii diinku soo siday ee Xisbiga UCID ugu soo samrayay Ina Cali Waraabe eh aan ka wada dhursugno cadaaladda Maxkamadda Sare beryahan waynu ogayn oo Waaxda Garsoorka lagama dayrinayn go’aanka Maxkamadda Sarena wuxu noqonayaa kama dambays eh. Sidaa daraadeed hadii uu Faysal noo dooray Maxkamadda Sare anaguna diyaar baanu u nahay oo ka dayrin mayno SI ROONBA RABAA OG”
Si kasteba ha ahaatee waxa hadana mar kale dib u istaadhmay khilaafkii ka dhex aloosnaa xisbiga UCID kaasi oo laba garan u kala jabiyay xisbiga,ilaa haddana lama garanayo halka uu sal dhigan doono khilaafkan ragaadiyay xisbiga.