|

Ceerigaabo: Gabadh Yar oo Markii ay Ku Dhacday Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland Mindi Nafta isaga Jartay

Ceerigaabo 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Shalay magaaladaasi uu ka dhacday dil naxin leh oo ay si weyn uga argagaxeen dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Sida aan Wararka ku helnay waxaa Shalay Subax Magaalada Ceerigaabo isku dishay gabadh yar oo la sheegay in ay ku dhacday Imtixaankii Shahaadiga ee dhawaan laga qaaday ardayda wax ka barata Dugsiyada deegaanada Somaliland.

 

Nimco Axmed Jaamac oo ka mid ahayd ardayda dhameesatay fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe ee iskuulka Imaamu Shaafici ayaa midi af badan nafta isaga jartay, kadib markii uu lasoo darsay wal wal ay ka qaaday Imtixaankii ay gashay oo ay ku dhacday.

 

Ehelada Nimco Axmed ayaa sheegay in gabadhooda uu lasoo darsay wala wal xoogan oo ay ka qaaday in ay kamid noqotay boqolaal arday oo ku dhacay Imtixaanka Shaadiga, waxa ayna gabadhan ugu dambeyn Shalay dhuunta iska galisay midi taa oo keentay in durba u geeriyooto.

 

Dhacdadan naxtin badan ayaa waxa aad uga argagaxay ehelada iyo asxaabta gabadhan, waxaa sidoo kale murugada dhacdadan si weyn looga dareemayaa Magaalada Ceerigaabo ay ku nooleed gabadhan is dishay oo da’deeda lagu qiyaasay 15-sano jir.

 

Imtixaankii Shahaadiga ee laga qaaday ardayda ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa waxaa ku dhacay in ka badan 600-arday oo dhiganayay iskuulada kala duwan oo kuyaala deeganada Somaliland.

Comments are closed