|

Wasiirka Duulista Somaliland Oo Sheegay In Aanay Jirin Baahi Xilligan Dib Loogu Dhiso Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Borama

Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Maxamed Faarax, ayaa sheegay inaan Wakhtigan loo baahnayn in dib u dhis lagu sameeyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boorama.

 

Wasiirka Duulista HawadaWasiirka oo hadlayey Munaasibad Xadhigga lagaga jaray Waddada Dila iyo Kalabaydh oo la dhisay, ayaa sheegay inaan loo baahnayn in dib loo dhiso Madaarka Boorama, maaddaama buu yidhi dhismaha Jidka isku xidha Boorama iyo Hargeysa uu soo gaabiyey Wakhtigii loo kala socon jiray labada Magaalo, taasina sabab u tahay inaan xilligan waxba looga baahnayn dhismaha Madaarka Diyaaradaha Boorama.

 

Wasiir Cumar Maxamed Faarax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Dad baa igu yidhi Maaddaama oo tahay Wasiirka Duulista maxaad u samayn wayday Madaarka Diyaaradaha ee Boorama, waxaan ku idhi Waddadii baa soo gaabatay oo Hal Saac baa loo kala soconayaa Hargeysa iyo Boorama, markaa diyaarad soo fadhiisanaysa Madaarka Boorama ma jirto. Wax Culus oo hadda la qabtaana ma jiro..”

Comments are closed