Madax-dhaqameedka AWDAL Oo Madaxweynaha Ku Adkeeyay Xal U Helidda Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Iyo Muuse Biixi Oo Qorshe Shaaciyey
Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaa Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dareen celiyey isla-markaana kaftan kaga jawaabay Weedho uu Guddoomiyaha Madax-dhaqameedka Gobolka AWDAL kaga hadlay Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada oo muran ka taagan yahay, waxaanu Guddoomiye Muuse sheegay in Saami-qaybsiga lala sugayo Dadka Gobollada bariga Somaliland.
Guddoomiyaha Madax-dhaqameedka Gobolka AWDAL Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlayey Munaasibad Xadhigga lagaga jaray Waddo 21KM ah oo isku xidhaysa Kalabaydh iyo Dila, ayaa Madaxweynaha Somaliland oo madasha fadhiyey ka codsaday in si mug leh loo eego Saami-qaybsiga oo Reer AWDAL Saluugsan yihiin.
“Madaxweyne Dalkii oo dhan waad isku xidhay, laakiin waxa dhiman Saamigan ay Dadku eeganayaan (Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada). Madaxweyne sida Xisbiyadu kuugu soo celiyeen (Xal u raadinta Saami-qaybsiga) aad iyo aad baanu kuugu bogaadinaynaa, waxaanuna doonaynaa inaad arrintaa Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada aad si mug iyo Miisaan leh u eegto..”ayuu yidhi Suldaan Dhawal, laakiin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hadalka kaga dambeeyay, ayaa sheegay in Saami-qaybsiga lala sugayo Dadka Bariga Somaliland, kuwaasi oo loo fahmi karo inay yihiin Kooxda Cali Khaliif Galaydh ee Wada-hadallada kula jira Xukuumadda Somaliland, “Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada waxa aad uga qayliyey Gobolka Awdal, waala dhageysanayaa, waalla Tixgelinayaa, weliba waxa ku soo kordhay Miisaan kale oo Gobollada bariga oo awal hore maqnaa ayaa yimid, oo iyaguna sidaa aad wax u doonayso (Saami-qaybsiga u doonaya). Markaa Cid wax la carareysa ama Wax diidaysaa ma jirto, wixii jira si walaalnimo ah ayaynu u qaybsanaynaa, markaa Maanta ku deg-degi mayno ee Walaaladeenna ha yimaaddaan Dhexdaa la dhigi Dheriga oo Gacantaa la wada-gelin iyadood la siman yahay, markaa Suldaan Dhawaloow adigaa ka talin doona ee waxba ha deg-degsanin.”