|

Somaliland: Xukuummada Somaliland oo Markii u horeysay Joojisay Bandhig Faneed lagu qabanayay Magaalada Hargeysa & Fannaanadii 1aad ee Amarkaasi Saameeyay

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliiska Somaliland oo amar ka haysta wasaarada diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa habeenkii xalley hor istaagay bandhig faneed ay fanaanada reer Puntland ee Nasteexo Indho ku  qabanaysay Magaalada Hargeysa.

nasteexo indhoWasaarada Diinta iyo Awqaafta oo adeegsanaysa Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa sheegay inaanay xukuummada Somaliland ogoleyn bandhiga Fanaanadani ay ku qabanaysay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa.

Goog joogayaal ayaa wargeyska Himilo u sheegay in ciidamo badan oo booliis ah iyo xubno ka socda wasaarada diinta iyo awqaaftu ay xalay ku sugnayeen Huteel Crown kuwaasi oo dadkii ka qaybgalayay bandhiga u sheegay in bandhigaasi la joojiyay oo ay fanaanada haysato wasaarada diinta awqaafta Somaliland.

Laakiin, wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in fanaanadaasi ay ka cowdeen cullimada Somaliland oo ku eedeeyay inay xidhato ama heesaha ku qaado maryo qaaqaawan marka ay joogto Qurbaha islamarkaana la joojiyo bandhig faneedka ay ku qabanayso Magaalada Hargeysa.

“Cullimada ayaa noo soo sheegay oo nagu yidhi gabadhaasi naga qabta intaanaan kaga hadal Khudbadaha misaajiadada”ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Magaalada Hageysa waxaa lagu qabtaa bandhig faneedyo kala duwan kuwaasi oo lagu qabto huteelada ugu waawayn magaalada Hargeysa islamarkaana ay kasoo qaybgalaan dhamaan shacabka ku xidhan fanka soomaalida.

Joojinta wasaarada Diinta iyo awqaafta ee Bandhig faneedkan ay Nasteexo Indho ku qabanaysay magaalada Hargeysa ayaa noqonaya falkii ugu horeeyay ee xukuumada Somaliland ku hor joogsado bandhig faneedyada noociisa ah.

Comments are closed