|

Doorashada Soomaaliya malaga bad baadin doonaa eeddii uu 2012 soo jeediyay Prof. Samatar ee ahayd “ii dhiib aan kuu dhiibee”

Muqdisho 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa la filayaa muddo dhow kadib in dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho madaxtinimo oo ay u sharaxan yihiin illaa haatan musharixiin gaaraya 10.

somcombiWaxaa jira rag cad cad oo la is oran karo waxay noqon karaan madaxtinimada iyo kuwo kale oo aan rajo muuqata lahayn, balse doonaya in magocoodu soo muuqdo maalinta cod bixinta.

Waxaa jira walaac isi soo taraya oo ku aaddan in la heli doono doorasho xor iyo xalaal ah, lagana bad baadi doono  hadalkii Prof. Axmed Ismail Samantar ee uu ku eedeeyay in Muqdisho ay ka jirtay doorashadii 2012 wax uu ku macneeyay “ ii dhiib aan kuu dhiibee” oo ahaa musuq maasuq baahsan oo cid walba aan ka qorsoonayn.

Waxaa jiray in si cad Qaramada Midoobay usoo saartay eed ahayd in la gadanayo codadka xildhibaannada. Cabsidaasi wali kama maqna qaar kamid ah musharixiinta Soomaaliyeed, haba ugu darnaadaan kuwa jeebkoodu yar yahay.

Dadka sharaxan waxaa kamid ah Xasan Sheekh Maxamuud oo la saadaalinayo inuu fursado fiican haysto. Hayeeshee codku wuxuu ku jiraa xildhibaannada Soomaaliyeed, ama halagu eedeyo inay lacag qaataan ama inaysan qaadan.

Dhinaca kale waxaa jira dhaqan doorashada Soomaaliya leedahay oo ah inaan loogu celin madawayne mar xilka qabtay.

Comments are closed