Hirdanka Ka Dhex Aloosan Siyaasiyiinta Reer Sool, Cali Sandule Iyo Baashaha Biyaha Oo Fiintu Dhex Miranayso Iyo Kulamo Lagu Heshiisiinayay Oo Lagu Kala Kacay + Saamaynta Cali Khaliif
Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool ee Bariga Somaliland ee Xilalka kahaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaayo ayaa si weyn ugu xafiiltamaya Sheegashada Soo Xero galinta Hogaamiyihii Kooxdii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Hanashada kalsoonida Beelaha Dega Gobolka Sool oo hadda u muuqda inay Aqlabiyadoodu u soo faruurmayso Dhinacan Somaliland, maadaama oo dhawr jabhadood oo ka dhex samaysmay ay burbureen,una soo gacan Galeen dhinaca Somaliland.
Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay dhaq dhaqaaqyo xoogan oo Awood sheegasho ku salaysan iyo Cabsi ay ka qabaan in Kursiga laga riixdo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool ee Xilalka kahaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,siyaasiyiintaasi oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland,Baashe Cali Jaamac,Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule),Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-Toosiye,waxa uu mid waliba dhinaciisa dadaal ugu jira sidii uu u kasban lahaa Madaxtooyadda iskuna tusi lahaa Doorka uu ka qaatay Xalinta Dagaaladii sokeeyo ee dhawaan ka dhex qarxay Beelo wada dega Gobolka Sool,waxa kale oo uu mid waliba isha kuhayaa Siyaasiga Soo kordhay Cali Khaliif Galaydh inaanu wax saamayn ah ku yeelan Kursigiisa.
Tibaaxo Rasmi ah oo aan ka helnay Illo lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogay ismarin-waa ka dhex aloosan Wasiirka Biyaha Baashe Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska Cali Sandule,waxaana la sheegay in labadani masuul uu dhex maray dagaal gacan ka hadal ahi kadib markii ay isku fahmi waayeen muran xoogan oo dhexmaray.
Cali sandule ayaa la sheegay inaanu,habayaraatee, ka qayb galin shirkii Nabadaynta ahaa ee Dhargayn Geenyo ee Gobolka Sool ee lagu heshiisiiyay beelihii dhawaan dagaalku dhex maray,taasi oo sida la sheegay uu kaga awood roonaaday Wasiirka Biyuhu Bashe cali oo isagu lahaa abaabulka iyo isku dubaridista Shirkaasi. Labadan Masuul oo isku beel ka soo wada jeeda,Iskuna haya kasbashada kalsoonida Beesha ay ka soo wada jeedaan ayaa si weyn isku khilaafay shirkaasi,waxaana uu Cali Sandule Aaminsan yahay inuu Baashe Cali Khayaamay oo aanu waxba ka siin Shirkaasi islamarkaana uu ka qarsaday Abaabulkiisii. Kulamo labadii cisho ee ugu dambeeyay la isku soo hor fadhiisiyay labadan masuul Guryo Hargeysa kuyaala ayaa lagu kala kacay.
Wasiir Xaglo Toosiye Iyo Cali Sundule ayaa u muuqda qaar awoodood sii wiiqmayso oo aan wax door ah ku lahayn Guulaha la taaban karo ee Nabadaynta Gobolka Sool oo wax wayni iska badeleen islamarkaana la soo xero-galiyay Abaanduulihii ugu sareeyay kicinta Dadka ku dhaqan Gobolka Sool iyo Buuhoodle,Waxaana muuqata Ifafaalo la taaban karo oo muujinaysa sida ay Masuuliyiintani u waajihi karaan isbadel ku yimaada Doorka ay ku leeyihiin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Kuraasta ay ku fadhiyaanba.