Ethiopia Oo Ganafka Ku Dhufatay Codsi Uga Yimi Qaramada Midoobay
Addis-ababa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay dawladdda Ethiopia oo lagu magacaabo Getachew reda, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Kormeerayaal caalamiyi oo ka socda hay’adaha Qaramada midoobay.Islamarkaana ay baadhaan dilalkii dhawaan ka dhashay dad Mudaharaad ka samaynayay gudaha waddankaasi, kuwaas oo ay isku dhaceen ciidanka Ammaanka.
Mudaharaadkaasi oo ka dhacay gobolada ay degan yihiin qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada ee waddanka Ethiobia.
Afhayeenka ayaa ayaa sheegay in xukuumadda Ethiopia ay iyadu mas’uul ka tahay shacabkeeda.
Hadalka Xukuumadda Ethiopia ayaa ah mid ay kaga jawaabayso baaq Qaramada Midoobay ay kaga codsanayso dawladda Ethiopia inay u oggolaato kormeerayaal caalami ah dalkeeda, gaar ahaan goobaha ay saameeyeen banaanbaxyadii dhacay todobaadkii la soo dhaafay.