|

Xisbiga Jamhuuriga Oo Loogu Baaqay In Aanu Maalgalinin Ololaha Donald Trump

Washintong 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- In kadan 70 ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee dalka Marykanka ayaa saxeexay waraaq una diray madaxa guddiga sare ee xisbig iyaga oo ku doodaya in la joojiyo maalgalinta ololaha Donald Trump.

Donald_Trump_Signs_The_Pledge_25Waxay sheegeen in siyaasadda kala qaybinta ah ee Trump iyo sida aanu ugu qalmin booskan ay halis-galinayso in xisbigu guuldaraysto marka la gaadho doorashada bisha kaw iyo tobnaad.

Warqadaas waxaa lagu sheegay in xisbigu diiradda saaro difaacidda murashaxiinta aan cagaha adag ku taagnayn ee Senet-ka iyo baarlamaanka.

Qaar ka mid xubinihii hore ee Congress-ka ayaa ku jira dadka saxeexay qoraalka.

Warqaddu waxay intaa ku dartay in go’aankaasi aanu noqonaynin mid adag, maadaama oo ay hoos u sii dhacayso fursadda uu Trump madaxwayne ku noqon karo.

Comments are closed