|

Ciyaaryahan Caan ah oo u dhashay Turkig Ah Oo Lagu Eedeeyay Afgambigii Dhicisoobay ee Dalkiisa

Ankara 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Hakan Sukur sannado badan ayuu ahaa ciyaaryahan aad loo yaqaanno ka hor inta aanu siyaasadda ku biirin.

Hakan-SukurWarbaahinta qaranka Turkiga ayaa sheegtay in warqadda xidhiga ay dawladda dalkaasi u jartay.

Hakan Sukur, oo ahaa laacib caalami ah isla markaana ka mid ah ragga ugu taariikhda wanaagsan kubadda cagta ee Turkiga.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay inuu ka tirsan yahay urur argagixiso, iyagoo ula jeeda taageerayaasha wadaadka ku nool Maraykanka ee Futhullah Gulen, kaas oo xukuumadda Ankara ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku daygii afgembiga ee dhawaan dalkaasi ka dhacay.

Laba guri oo ku yaalla galbeedka Turkiga ayaa baadhitaan lagu sameeyay.

Hakan Sukur oo hore u soo noqday xildhibaan ka mid ah xisbig talad haya AK ayaa lagu yaqaanay inuu taageero wadaadka Futhullah Gulen

Comments are closed