Qaramada Midoobay oo Ciidamo Dheeraada u diraysa South Sudan wakhti ay Dawladu kasoo Horjeedo Go’aankaas
Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa meel mariyay in ciidamo dheeraada oo nabada ilaaliya la geeyo dalka South Sudan.
Bishii la soo dhaafay ayaa maalmo lagu dagaalamay gudaha magaalada caasimadda u ah South Sudan ee Juba, waxaana ka dhashay dilal kala duwan , tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini’aadamnimo oo sii xoogeysatay.
Waxaa xooga la saaray intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay mas’uuliyadda aasaasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah inay la taalo dowladda.
Balse milateriga dalkaasi South Sudan ayaa lagu eedeyay inay ka qeybqaateen dilalkii iyo tacadiyadii loo geeystay dad rayid ah intii dagaalada ay socdeen.
Qarmada Midoobay ayaa ciidan dheerad ah dalkaasi u diraysa iyadoo xaaladana ay kacsantahay.
Ciidammadan dheeradka ah oo gaadhaya ilaa 4000 ayaa qeyb libaax leh ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u ilaaliyan gegida diyaaradaha iyo xarumo kale oo muhiim ah.
Waxayna amar ku heysataan inay tallaabo ka qaadan koox walbo oo weerar ku qaada xarumaha Qaramada Midoobay, ha’yadaha gargraaka iyo dadka rayidka ah.
Hasayeeshee, dawlada South Sudan ayaa iska diiday qaraarka Qaramada Midoobay iyadoo qaadashada go’aankaasna ku tilmaantay mid nasiib darro ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku hanjabay suuragalnimada cunaqabatayn dhinaca hubka ah waa haddii South Sudan aanay muujinin wado shaqeyn.