|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Qaybo ka Mid ah Jidka Kala Baydh Ilaa Dilla SAWIRO

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xadhiga ka jaray waddo dhererkeedu dhan yahay 21Km taas oo isku xidha Kala-baydh iyo Dila ee gobolada Awdal iyo Gabiley.

 

Madaxweynuhu intii uu ku sii jiray jidka waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey, Arabsiyo, Abaarso, Gabiley iyo Kala-baydh, oo ay isugu soo baxeen shacbiga ku dhaqani wadooyinka dhinacyadooda, kuwaasoo ay ka dhex muuqdeen ardayda dugsiyada oo ku labbisan dirayskooda.

 

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay geedaha ay caanka ku tahay Dila, ayaa waxa isugu yimid masuuliyiinta qaranka oo uu hogaaminaayo madaxweynuhu oo uu weheliyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada qaarkood, iyo  masuuliyiiin kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa gobolada Awdal iyo Gabiley, madaxdhaqameed iyo Dadweynaha degmada Dila.

 

Masuuliyiinta degmada Dila iyo kuwa gobolka Awdal oo uu horkacayo duqa degmadaasi, Xildhibaanada, siyaasiyiinta, Madaxdhaqameedka, ee degmada iyo gobolka, ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado ay ku soo dhawaynayaan weftiga Madaxweynaha ee xadhiga ka jaray waddada, waxaanay iskala afnoqdeen in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadiisuba ay taariikhda ku galeen wax qabad la majeerto, mugleh ee ay dalka ka fuliyeen.

 

Masuuliyiinta meesha ka hadashay waxay madaxweynaha ku bogaadiyeen jidka uu furay oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa mid dhib badan lagala kulmo oo wakhti badan lumin jiray marka isu-socadka la eegayo, isla markaana ay hanti badani ku dayacmi jirtay.

 

Waxa kale oo ay madaxweynaha ku ammaaneen jidadka kale ee ay dhismayaashoodu ka socdaan dalka, gaar ahaan jidka Ceerigaabo ee uu ku dhiiraday madaxweynuhu, hirgelintiisa, iyadoo lagu bixinayo hantida dadka Somaliland oo qudha, taasina ay beenisay in jidadka sidaa u dhaadheer, sida ka Ceerigaabo, ay dawladaha muruqa dhaqaale leh uuni ka bixi karaan, ama cid ay dawladahaasi caawiyaan, waxaanay ku boorriyeen madaxweynaha inuu halkaa ka sii wado dedaalka dhismaha jidadka dalka, iyagoo Ilaahayna uga baryey inuu la qabto hawlahaa qaranimada, waddaniyada iyo samafalka leh ee ka socda dalka intii uu hogaankiisa hayey.

 

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhinacooda Masuuliyiinta Madaxweynaha weheliyey kana mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Maareeyaha hay’ada wadooyinka, iyo Gudoomiyaha ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye.

 

Waxanay masuuliyiintaasi sheegeen in horumarinta wadooyinka iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxqabadka kale ee dalkuba yihiin waxa ay ku taamayso xukuumadda uu hogaaminaayo Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, halkaana laga sii wadi doono horumarinta iyo dib u dhiska dalka, isla markaana ahayd qorshihii xisbiga Kulmiye, ku soo galay saaxada maamulka dalka.

 

Mr. Michael oo ku hadlayey magaca sanduuqa horumarinta Somaliland oo ah sanduuq ay wada jir u maalgeliyaan dawladaha Norway, Denmark, Holland iyo Boqortooyada Ingiriiska isla markaana maalgelinta jidkan, ku wehelinayey dawlada Somaliland,  ayaa sheegay qiimaha dhaqaale iyo wakhti ee uu jidkani soo kordhinaayo, iyo sida uu jidkani u yahay mid halbeeg ah (Standard), waxanu ka mahadnaqay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyo xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Silaanyo.

 

Madaxweynaha oo gunaanadkii xaflada ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahadnaqay masuuliyiinta iyo shacbigii ku soo dhaweeyey halkaasi, isagoo raaciyey intaa in wadooyinku ay yihiin halbowle  dhaqaale, isla markaana ay qayb weyn ka qaataan isku xidhka dadka iyo maalkaba, ahmiyad gaarana u leeyihiin dadka maraya jidadka, iyadoo taa laga duulayana kuwa la dhisay uun maahee kuwo kalena la dhisi doono, kuwa socdana la dhamaystiri doono.

 

Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisa “waxaynu dhisanaynaa dhulkeena waynu qabyo tiraynaa jidadkeena, waan isku tashanaynaa ciidii inagu gacan siisana waan uga mahadnaqaynaa, gaar ahaan, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo dawlahada inagu taageeraba”. Hase ahaatee noqon mayno kuwo mucaawimo uun suga, ee inagaa dhexdeena guntanayna oo gacmaha isu-qabsan doona si aynu horumr la taaban karo u gaadhno”.

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0004 DSC_0005 DSC_0015 DSC_00023 DSC_0024 DSC_00029 DSC_0030 DSC_0039 DSC_0041 DSC_0042 DSC_0052 DSC_0062 DSC_0064 DSC_0066 DSC_0067 DSC_0071 DSC_0076 DSC_0078 DSC_0079 DSC_0082 DSC_0084 DSC_0088 DSC_0090 DSC_0093 DSC_0099 DSC_0104 DSC_0119 DSC_0120 DSC_0127 DSC_0129 DSC_0130 DSC_0133 DSC_0138 DSC_0141 DSC_0143 DSC_0155 DSC_0157 DSC_0158 DSC_0160 DSC_0161 DSC_0163 DSC_0164 DSC_0165 DSC_0167 DSC_0169 DSC_0177 DSC_0180 DSC_0181 DSC_0182 DSC_0187 DSC_0195 DSC_0196 DSC_0199 DSC_0205 DSC_0213 DSC_0220 DSC_0223 DSC_0225 DSC_0227 DSC_0230 DSC_0233 DSC_0237 DSC_0244 DSC_0250 DSC_0254 DSC_0260 DSC_0266 DSC_0272 DSC_0280 DSC_0300 DSC_0308 DSC_0310 DSC_0317 DSC_0321 IMG_ IMG_4221 IMG_4229 IMG_4236 IMG_4279 IMG_4334 IMG_4345 IMG_4532 IMG_4557 IMG_4559 IMG_4560 IMG_4565 IMG_4570 IMG_4572 IMG_4580 IMG_4596 IMG_4602 IMG_4785 IMG_4797 IMG_4802 IMG_4811 IMG_4814 IMG_4828 IMG_4837 IMG_4850 IMG_4853 IMG_4859 IMG_4904 IMG_4917 IMG_4922 IMG_4937 IMG_4941 IMG_4961 IMG_4978 IMG_5029 IMG_5047 IMG_5052 IMG_5064 IMG_5070 IMG_5086 IMG_5094 IMG_5104 IMG_5118 IMG_5120 IMG_5131 IMG_5213 IMG_5374 IMG_5559 IMG_5585

Comments are closed