Gudi Turxaan Bixineed oo Loo Magacaabay Laba Ardaa oo Shaqaaqo ku Dhex martay Deegaanka Bacaha ee Gobolka Sanaag
Ceel Afweyn 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Waftidii uu hogaaminayey wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde, ee todobaadkanba ku sugnaa deegaanka Degmada Ceel afweyn ayaa habeenkii xalay kulankii labaad la qaatay gudida labada ardaa ee ku dagaalamay deegaanka Bacaha hore loogu xulay turxaan bixinteeda.
Kulankan waftigu la qaadatay xubnaha xukuumadda ka socda ayaa lagu go’aamiyey in xallinta khilaafaadka lagu galo afar geesood ka gooban gudiyada labada ardaa ee dirirtu dhex martay , Gudida Xukuumada iyo gudi dhex-dhexaada iyadoo isla goobtaasi lagu dhaariyey gudida dhex dhexaadka ah ee khilaafka labada ardaa ka garnaqaysa. Gudidan la dhaariyey waa guddi dhex ah oo ka madax banana labada ardaa halka gudida xukuumada uu hor kacayo guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Gudiyadan afar geesoodka ah ayaa si mug leh uga hawlgali doona dhamaystirka iyo turxaan bixinta tabashooyinka labada beelood ee dirirtu dhex martay