Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Oo Sheegay In Aany Somaliland Qayb-Ka Ahayn Hanaanka Doorashooyinka Ee Bisha October
Hargaysa 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland ayaa sheegtey in aanay qeyb ka aheyn hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee bisha October ka dhici doona dalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in iyaga iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal, isla markaana sanadkii 1991 ay ku dhawaaqeen inay la soo noqdeen Madax banaanidooda.
Waxaana uu yidhi Wasiir Sacad,isaga oo uu warramayey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ”Somaliland iyo Soomaaliya waa labo wadan, cid naga matasha ma jirto doorashooyinka Soomaaliya, qeybna kama nihin, horayna waa u sheegnay, hadana waa u sheegeynaa, arrimaha geeddi socodka siyaasada Soomaaliya wax na khuseeya ma ahan”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Waxaa uu sheegay in Somaliland sanadka soo socda uu ku soo fool leeyahay doorasho, taasna ay tahay mid quseysa shacabka deegaanada Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
Shirkii Madasha wada-tashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay laba cisho ka hor magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan in aqalka sare ee Baarlamaanka ay xubno ku leeyihiin Somaliland, inkastoo xildhibaanada iyo odayaasha ka soo jeeda Gobolada waqooyi ay qaadaceen xubnaha laga siiyay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxa illaa hadda dhinaca dawladda Somaliya.