|

Dawlada Federaalka Somalia oo Si Qaawan uga Hor Timid Meel Marinta Heshiiskii Somaliland Iyo DPW Iyo Sheegashada Somalia ee Ku Saabsan Xidhiidh ay la Sameeyeen DPW DAAWO

Muqdisho 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dhawaan ayay ahayd markii Golaha wakiilada Somaliland ay ansixiyeen heshiiska horumarinta iyo casriyaynta dekada Barbara.
hanti dhawraha somalia iyo dpwHadaba xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiskaasi, waxaanay sheegtay in heshiiskani yahay mid sharciga baal marsan, oo aan Soomaalida dani ugu jirin.
Hanti dhawraha guud ee qaranka Soomaaliya, Mudane Nuur Faarax Jimcaale isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Heshiiskani ma waafaqsana shuruucdii u degana umada Soomaaliya, mana ahaa hishiiskani dekada Barbari mid umada dani ugu jirto, dekada Barbarina waa hantida ma guuraanka ah ee umada Soomaaliyeed ay leedahay, markaa arinkaasi heshiiska barbara dacwad ayaanu ku soo oogaynaa”
Hanti dhawraha guud ee qaranka Soomaaliyeed isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Arinkan dekada Barbarana maaha mid aanu horumar u aragno, sababtoo ah marka lagu leeyahay 95-shan heshiiskani waxaa qaadanaysa shirkada DP-World markaa shuruucda dhaqan dhaqqaale ee Soomaaliya u yaal ayay arintan dekada barbari ay ka hor imanaysaa, umada Soomaaliyeedna waa dad qudha iyo dal qudha laakiin anagu wax kale ma garanayno”
Hanti dhawruhu waxaa uu xusay in baarlamaanku kaliya ay xaq u leeyihiin ansixinta shuruucda laakiin aanay xaq u lahayn ansixinta heshiiskani oo kale waxaanu yidhi “Arintani dekada Barbari waa hanti , baarlamaankuna waxaa ay xaq u leeyihiin uun inay ka doodaan sharci dajinta laakiin maaha inay ka doodan, hantida umadu ay leedahay”
Dp-World ayaan la xidhiidhay xogtiina waan heystaa dhab aahantii boqolkiiba toban dadka ayaa iska leh faa,iidada ka soo baxaysa boqolkiiba sagaashana waxaa iska leh shirkada Dp-World”

Comments are closed